Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta: Israa’iil oo xalay duullaan khasaare ba’an dhaliyay ku qaaday Iraan

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250613_073226801.jpg?resize=960

Israa’iil ayaa xalay Iran ku qaaday weerar militari oo weyn, kaasi oo ay ku bartilmaameedsatay xarumo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin warshado Nukliyeerka iyo dhismayaal ay daganaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Iiraan.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay bartilmaameedyada Nukliyeerka Iran si ay uga horjoogsato Tehran in ay sameysato hubka nukliyeerka, iyada oo intaa ku dartay in taliyeyaasha Iran iyo warshadaha gantaallada la duqeeyey. Warbaahinta Iran iyo goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen guud ahaan caasimadda Iran iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen saraakiil sare iyo khubarada Nukliyeerka.

Sidoo kale, Israa’iil , waxay beegsatay saldhigga gantaallada Kermanshah oo ku yaalla xadka Ciraaq, iyadoo saldhigan uu yahay halka ugu muhiimsan ee Iran ay ka soo qaadi lahayd jawaabta weerarrada ay kala kulantay Israa’iil oo noqonaya , duullaankii u sarreeyay oo khasaare burbur iyo faseexad ah gaarsiiyay Iran. Weerarka Israa’iil ayaa sidoo kale burbur xoog leh gaarsiiyay saldhigga buuraha Zagros, oo la aaminsanyahay in ay yaallaan tirada ugu badan ee gantaalada ballistic-ga ee Iran.

Weerarka Israa’iil, kaliya kuma dhisneyn mid khasaare dhaliya oo looga hortaggo nukliyeerka Iran ee sidoo kale wuxuu ahaa weerar ay Israa’iil , xataa ku joojisay inay Iran si awood leh usoo weerarto Israa’ii! Waxaa looga tagay Iran dookh kaliya oo ah ‘dagaal toos’.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta: Israa’iil oo xalay duullaan khasaare ba’an dhaliyay ku qaaday Iraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this