Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari Hargeysa ku dilay laba qof oo ay isku qoys yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin askari ah ayaa Axaddii xaafadda Faluuja ee magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisii iyo gabadh uu dhalay, isaga oo sidoo kale dhaawac culus u geystay gabadh kale oo ay dumaashi yihiin.

Askariga dilka geystay, oo aan magaciisa warbaahinta lala wadaagin, ayaa rasaas ku furay qoyskiisa, isaga oo dilay xaaskiisii iyo inantiisii.

“Subaxnimadii saaka abbaara 8:00 ayuu aabbo naga tagay, qorigana meel ayuu kasoo qaatay, Markaas ayuu hooyo oo kadinka fadhiday toogtay,” ayay mid kamid ah caruurta askarigu u sheegtay Bulsho TV.

Aamina, oo ay dumaashi yihiin askariga, ayaa iyaduna u sheegtay Bulsho TV in askarigu uu guriga kusoo laabtay isaga oo qori sida, isla markaana aanu hadlayn markii la salaamay, kadibna uu dilka gaystay.

“Markuu kadinka kasoo galay, walaalkay baa salaamay, wuuna u jawaabi waayay. Markuu ku yidhi, ‘Walaal maanta qori ayaad sidataa,’ ayuu isasoo kala celiyay oo si toos ah inanta ugu dhuftay. Wuu ku celceliyay oo wuu la dul tagay, anigana markiiba miyir iigu dambeysay,” ayay tidhi Aamina.

Waxay intaa ku dartay in markii toogashadu dhacday ay dadka xaafaddu iskugu soo baxeen, muddo badanna lagu dadaalay in la qabto askariga, balse uu dadka ku waabinayay qoriga, taas oo keentay in lala rafaado.

Labada qof ayaa isla goobta ku naf waayay, marka laga reebo gabadha dhaawaca ah oo haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla Hargeysa.

Eheladu waxay sheegeen in aanay garan karin sababta askariga ku dhalisay in uu qoyskiisa laayo, sidoo kalena aanay ku ogayn wax xanuun maskaxeed ah oo uu qabay.

Weli booliiska iyo hay’adaha amnigu kamay hadal dhacdadan, lamana hubo in eedaysanaha la qabtay iyo in kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this