Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Pakistani ah oo lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay Xeebaha Soomaaliya oo lasoo taagay maxkamad ku taalla Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xeerbeegtida Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa nin Pakistani ah ku kusoo oogtay Dacwad ah inuu hub uu kasoo raro Iraan uu u gudbin jiray Xuutiyiinta kadib markii lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada badda Mareykanka ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

Mohammed Bahlawan ayaa ka mid ahaa afar qof oo ay ciidamada Mareykanka ku qabteen howlgal ay bishii Janaayo ee sanadkii 2024-kii ku qaadeen markab marayay xeebaha Soomaaliya, kaasoo sababay dhimashada labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka.

Waxaa la xukumi doonaa ninkaan 22-ka September wuxuuna wajihi doonaa ugu badnaan 20 sano oo xarig ah.

Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Bahlawan wuxuu la shaqeeyay laba nin oo Iranian ah oo walaalo ah oo lala xidhiidhiyay ciidanka Ilaalada Kacaanka si ay hub uga soo tahriibiyaan Iran una gudbiyaan Xuutiyiinta, Waxa uuna ahaa kabtankii markabka oo ay u daateen ciidamada gaarka ah ee Maraykanka.

Xeerbeegti heer federaal ah ayaa Bahlawan ku eedeeysay inuu maleegayay inuu taageero agab ah u fidiyo argagixisada, caawinta barnaamijka hubka wax gumaada ee Iran, iyo inuu diyaariyay qorshaha qaadista walxaha qarxa, iyo eedo kale.

Gantaalada ballistic-ga ah ee Iran iyo gantaalada lidka maraakiibta ayaa laga helay markabkii uu saarnaa dushiisa, kuwaas oo la mid ah hubkii ay Xuutiyiintu ku weerareen maraakiibta ganacsiga iyo kuwa Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this