Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali ah oo xalay dil loogu geystay dalka Koonfur Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay nin Soomaali ah lagu dilay Xaafadda Hillbrow ee magalada Johannesburg.

Muwaadinka la dilay muwaadin ayaa lagu magacaabi jiray Kamaal Xasan oo loo yaqiinay Cabdi Taajir, kaasoo ka mid dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaas uga dhex shaqeysta gawaarida dadweynaha qaada ee Uber.

Marxuumka ayaa la tilmaamay in burcada hubeeysan ay ku dhax toogteen, isagoo ku jiray gaarigiisa xili uu ku guda jiray howlahiisa shaqo, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday burcada dilka geysatay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas oo gaaray goobta ayaa sameeyay baaritaano la xariira dilka, hayeshee wax natiijo ah kama soo bixin baaritaanka ay samyeen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa inta badan si joogta ah loogu dilay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u shaqo tagay dalkaas, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatada lagu haayo ee ah dilka, dhaawaca, iyo boobka loo geysto hantidooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this