Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN iyo Maraykanka oo mar kale ku wada-hadlaya dalka Cuman.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa ku dhawaaqday in wajiga xiga ee wada xaajoodyada Nukliyeerka Iran iyo Maraykanku ay ka qabsoomi doonaan Cuman, kadib wajigii hore ee ka dhacay Rome.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Esmaeil Baghaei ayaa Isniintii sheegay in la tashiyo ka dib, ay u diyaargaroobayaan wareegga xiga ee wada-hadallada dadban ee Axadda.

Tan iyo bishii Abriil, Tehran iyo Washington waxay qabteen shan wareeg oo wadahadalo aan toos ahayn oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Saddex wareeg oo ka mid ah wada xaajoodyada labada dal ayaa lagu qabtay magaalada Muscat, halka labada wareeg ee soo haray lagu qabtay caasimadda Talyaaniga ee Rome.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this