Sign in to follow this  
Deeq A.

Afhayeenka madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay fadeexadii diblomaasiyadeed ee ka dhacday magaalada Geneva

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in fadeexadii diblomaasiyadeed ee ka dhacday magaalada Geneva ee la xidhiidhay in kala badh weftigii ka socday Dawladda Soomaaliya ay baxsadeen aanay ahayn keliya wejigabax, hase ahaatee ay tahay halbeeg soo bandhigay burburka Hay’adaha dawlanimo iyo musuqa baahsan ee Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay dawladda Soomaaliya in ay muddo dheer diblomaasiyadda u adeegsanaysay tahriibin iyo inay ka faro-qabsadaan baasaboorka diblomaasiga ah ee dawladda fashilantay ee Soomaaliya.waxaannu ku dooday in maamulka Muqdisho ay metelaadooda diblomaasiga ah u beddeleen inay u adeegsadaan ganacsi iyo tahriibinta sharci darrada ah.

Mr. Xusern Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X(Twitter), waxaanu xusay in Jamhuuriyadda Somaliland si ka duwan Soomaaliya, ay 30kii sannadood ee la soo dhaafay ay dhisatay hay’ado ku sallaysan isla xisaabtan, daahfurnaan, sarreynta sharciga, iyo dawladnimo dimuqraadi ah.

Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Wufuuda Somaliland ee caalamiga ah ay ku shaqeeyaan si karti, daacadnimo, iyo xil-gudasho leh, waxaannu carabaabay in aanay ahayn marin loo adeegsado khiyaamo, danaysi, iyo musuqmaasuq.

Waxa kaloo uu ku dooday dhacdadan dhabar jab ku tahay beesha caalamka oo ay tahay inay kala gartaan farqiga u dhexeeya dawladda fashilantay ee Soomaaliya ee musuqaysa deeqaha loo soo qaadhaamo iyo diblomaasiyadda oo ay uga faa’iidaystaan arrimo qoys, halka Jamhuuriyadda Somaliland ay ka jirto dawladnimo taabogal ah iyo dimuqraaddiyad lagu kabay anshaxa diblomaasiyaddeed.

13 xubnood oo ka mid ahaa 23kii qof ee Soomaaliya uga qaybgalayay shirka 113aad Hay’adda Shaqada adduunka ILO oo lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Swiszerland ayaa baxsaday, waxana arrintaasi wejigabax diblomaasiyaddeed oo caalami ah u soo jiiday dawladda Muqdisho.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this