Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafti ka socda Somaliland oo ka qayb galay shir ka dhacaaya South Africa

Recommended Posts

Deeq A.   

FB_IMG_1749752204996.jpgFB_IMG_1749752224761.jpgFB_IMG_1749752220178.jpgFB_IMG_1749752232944.jpg

Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka qaybgalay Shir madaxeedka Afrika ee
Hydrogen-ta cagaaran oo lagu qabtay South Afrika.

Dawladda South Afrika ayaa si rasmi ah ugu martiqaaday weftiga Somaliland ee ka qaybgalay shirkan oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir oo ay weheliyeen
Wakiilka Ganacsiga iyo Arrimaha Gobolka ee Somaliland u qaabilsan Koonfur Afrika Cali Ismaaciil Cilmi, Ayaan Cashuur iyo Axmed Jaamac Ducaale oo fududeeyay iskuduboridka martiqaadkan.

Madaxweynaha South Afrika,Cyril Ramaphosa ayaa si rasmiya uga furay Magaalada Capetown shir madaxeedkan oo muhiimad weyn u leh dalalka Afrika oo dhan.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shirkan ku muujisay doorkeeda firfircoon ee ku wajahan iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tamarta cagaaran iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo saameynta ka dhalatay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this