Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Fursada Dahabiga ah ee Koboca Dhaqaale iyo Aqoonsiga Caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland waxay wajahaysaa marxalad cusub oo taariikhi ah, taas oo xuddun u ah koboc dhaqaale iyo isbeddel weyn oo saameyn doona mustaqbalkeeda. Fursadan dahabiga ah ee ay dhaxlayso Somaliland ayaa soo shaac-baxdasy kadib markii la xaqiijiyay in dhulkeedu uu qani ku yahay shidaal, gaas dabiici ah, iyo macdanaha qaaliga ah sida Lithium.

Sahammo ay sameeyeen shirkado caalami ah, sida shirkadda Genel Energy (UK) iyo shirkadda RAK Gas (UAE) ayaa muujiyay xaddi badan oo shidaal iyo gaas ah oo ku jira dhulka Somaliland, taas oo dhidibada u aasaysa mustaqbal dhaqaale oo ifaya.

Sidoo kale, warbixin ay baahisay The Advocatepost ayaa daaha ka rogtay in Somaliland laga helay macdanta lithium, taas oo ah curiye muhiim u ah baytariyada iyo korontada la kaydiyo, taas oo qeyb muhiim ah ka qaadata dhaqaalaha cagaaran ee dunida casriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somailand Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa xaqiijiyay in sannadka 2026 shirkado caalami ah ay bilaabi doonaan qodista shidaalka, taas oo Somaliland ka dhigi karta mid kamid ah soo saarayaasha tamarta ee Bariga Afrika iyo adduunka.

Somaliland waxay gashay weji cusub oo la saadalinayo in uu horseed u noqdo isbeddelka weyn oo dhaqaale, iyada oo si firfircoon u sahminaysa khayraadkeeda shidaal, gaas, iyo macdanaha qiimaha leh. Waxaa kor u kacay dadaallada baadhista saliidda iyo gaasta, qorshayaasha la xidhiidha warshadaynta macdanaha qaaliga ah iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo dhanka kale xoojinaysa ujeeddada Somaliland ee raadinta aqoonsi caalami ah.

Somaliland waxay haysataa wakhti xaadirkan rejo aad u wayn oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah ee dihin, iyada oo muddooyinkii u dambeeyay ay kor u kacday rejada helitaanka macdanta qaaliga ah ee lithium, iyo awoodda tamarta la cusboonaysiin karo. Somaliland waxay haysataa fursad ay riixayaan dabaylaha dhaqaale ee dunida.

Warbixin ay daabacday warbaahinta The Advocatepost oo soo xiganaysa waraysi gaar ah oo ay la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa muujisay ifafaale cusub oo rejo weyn leh oo ku saabsan horumarka dhabta ah ee ka socda dalka, gaar ahaan dhinacyada shidaalka iyo macdanta. Tani waa tallaabo weyn oo ku wajahan koboca dhaqaale iyo sare u kaca sumcadda Somaliland ee caalamka.

Warbixintu waxay xustay in xukuumadda Somaliland ay xallisay caqabadihii amni ee hore u jiray, taas oo albaabada u furaysa horumar amni oo la jaanqaadi kara horumar dhaqaale. Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa kalsoonida shirkadaha caalamiga ah ay ku qabaan Somaliland.

Somaliland waxay maanta haysataa fursad dahabi ah oo ay ku noqon karto quwadda tamarta iyo macdanta ee gobolka. Waa waajib saaran dhammaan hay’adaha dawladda, bulsho-weynta iyo ganacsatada maxalliga ah in la ilaaliyo fursadahan oo laga dhigo kuwo dhab u hirgala, si jiilasha mustaqbalku uga faa’iidaystaan.

Qore Axmed M. Saleebaan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this