Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo shaaca ka qaaday waqtiga shidaal qodista ay bilaabeyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay goorta rasmiga ah ee ay bilaabeyso shidaal qodista deegaannadeeda, kadib muddo ay soo waday sahmin lagu xaqiijiyay in Somaliland uu ku jiro shidaal.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Injineer Axmed Jaamac Barre oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta St.Vincent Times ayaa sheegay in shidaal qodista ay bilaabi doonaan horraanta sanadka soo socda ee 2026-ka, ayna sameyn doonaan laba shirkadood oo caalami ah, kuwaas oo kala ah Genel Energy (UK) iyo RAK Gas (UAE).

Injineer Axmed Jaamac ayaa sidoo kale tilmaamay in rajo wayn ay ka qabaan in Somaliland ay ku guuleysato shidaal qodisteeda, isla markaana sahanka la sameeyay uu muujinayo in Somaliland uu ku jiro shidaal ay ka faa’iideysan karto, kulana baayac tami karto caalamka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan lasoo dhammeeyay daraasado farsamo oo ballaaran, oo ay ku jiraan sahanno casri ah oo muujinaya fursado badan oo saliid iyo gaas ah oo ay leedahay Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la xoojiyay nidaamka sharciyada batroolka, heshiiska qaabka wadaagga wax-soo-saarka (PSA) iyo siyaasadaha taageeraya howlgallada shiidaalka.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay haatan diyaar u tahay maalgashi caalami ah iyo inay la macaamisho aduun weynaha.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa hadda wadda qorshe kale oo dib loogu sii amba qaadayo heshiiskii Itoobiya ee muranka dhaliyay ee la saxiixaay 1-dii Janaayo 2024, balse aan illaa iyo hadda la dhaqan gelin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro uu qorsheynayo inuu u safro magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kulan heer sare ah kula yeelan doono Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, si uu ugala hadlo heshiiska badda.

Heshiiska MoU-ga, oo ay hore u kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, wuxuu Itoobiya siinayaa kiro 50 sano oo ah qaybo ka mid ah xeebta Somaliland ee ku taal Gacanka Cadmeed, taa beddelkeedna ay Itoobiya aqoonsi siiso madax-bannaanida Somaliland — tallaabo ay si adag uga hor timid dowladda federaalka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this