Sign in to follow this  
Deeq A.

Ethiopia oo dhisaneysa saldhig weyn oo ah ciidanka badda + dalka ka taageeraya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 95% la dhameystiray qorshaha dhismaha xarunta cusub ee taliska ciidanka badda, taasoo laga hirgelinayo magaalada Addis Ababa, gaar ahaan xaafadda Janmeda.

Xaruntan cusub ayaa laga rajeynayaa inay noqoto saldhig istaraatiiji ah oo lagu kobcinayo dadaallada dib loogu dhisayo ciidan badeed casri ah oo Itoobiya yeelato.

Xarunta oo laga dhisayo dhul gaaraya 3 hektar ayaa ka kooban dhisme afar dabaq ah, waxaana ku dhex yaalla xafiisyo maamul, hoolal shirar, xarun caafimaad, goob ciyaaro iyo dhismayaal kale oo taageeraya howlaha ciidamada.

Inkastoo Itoobiya aysan lahayn xeeb tan iyo markii Eritrea ay ka go’day 1993, madaxda dalkaasi waxay aaminsan yihiin in ciidan badeed la’aanteed aysan si buuxda u difaaci karin danaha amni iyo ganacsi ee gobolka Geeska Afrika.

Yaa ka caawinaya Itoobiya dhismaha saldhigan?

Bishii Maarso 2025, Itoobiya ayaa heshiis iskaashi la saxiixatay dowladda Ruushka si ay uga caawiso dhismaha iyo tababarka ciidanka badda.

Heshiiskan cusub ayaa beddelay midkii hore ee la laalay ee Itoobiya la gashay Faransiiska sanadkii 2018. Tallaabadan ayaa loo arkaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda difaaca dalkaas.

Falanqeeyayaal amni ayaa tilmaamay in Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u noqon lahayd quwad amni oo gobolka ah, iyadoo aan lahayn xeeb rasmi ah haddana ay adeegsaneyso iskaashi caalami ah si ay u dhisto awood ciidan badeed oo u adeegta danaha qaran.

Dowladda Itoobiya ayaa horay u lahayd ciidan badeed illaa ay ka lumisay dekaddii muhiimka ahayd ee magaalada Asab, taasoo ay kaga luntay goosashadii Eritrea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this