Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka furtay hub iyo Rasaas badan

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250605_165222758.jpg?resize=765

Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ka sameeyay togga Baallade ayaa firxadkii mileeshiyaadka Daacish ka furtay hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaas, daroonis qarxa iyo agabyo ciidan.

Warbixin uu soo saaray Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayuu ku sheegay in firxadkii mileeshiyaadka Daacish laga furtay hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaas, daroonis qarxa iyo agabyo ciidan” Mar-kale Ciidamada Difaaca Puntland ayaa Argagixisada Daacish ka furtay Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaas, Daroonnada Qarxa iyo agabyo kale oo ciiidan.”

Ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale argagixisada ka saaray degaannada Buurta Buurgaal, ceelka Dacar, ceelka  Sadow iyo dhariinya garooba, kuwaas oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade “Sidoo kale ciidamada ayaa khawaariijtaasi kala wareegey deegaannada Buurta Buurgaal, ceelka Dacar, ceelka  Sadow iyo dhariinya garooba, kuwaas oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade.”

PUNTLAND POST

The post Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka furtay hub iyo Rasaas badan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this