Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas Laba Gabdhood oo Walaalo ah oo ku Dilay Deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Waraka ka imaanaya deegaanka Shinbiraale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inay xalay saqdii dhexe uu mas laba gabdhood oo walaalo ah ku diley halkaas.

Labadan gabdhood oo lagu kala magacaabi jirey Kaltuun Xasan Jaamac iyo Farxiyo Xasan Jaamac ayaa la sheegay inay islamarkii uu masku qaniinay goobta ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay eheladooda.

Dadka deegaanka ayaa ugu dambeyn ku guulaystay inay maskii dileen, waxayna dhacdadan hal-haynteedu ka taagan tahay gobolka Galgaduud iyo guud ahaan Galmudug iyo Soomaaliyaba, ayadoo la sheegay in masku uu gabadhan qaniinay xilli ay jiifeen.

Maska oo horay dad ugu diley deegaanno ka tirsan dalka ayaa kamid halaqa halista ah ee mididoodu sunta wadato, taas oo dhiigga qofka raacda, islamarkaana neerfayaasha waxyeelaysa sida dhaqaatiirtu sheegeen.

 

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this