Sign in to follow this  
Deeq A.

Mileeshiyaadkii jabay ee Daacish oo bilaabay in ay si habqan ah isugu soo dhiibaan ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1748856362985.jpg?resize=1000%2C6

Firxadkii Mileeshiyaadkii Daacish oo ku kala lumay hawlgalkii u danbeeyay ee Miraale ayaa bilaabay in ay si habqan ah isu soo dhiibaan, sida laga soo xigtay dowladda Puntland.

Afar xubnood oo ka tirsanaa mileeshiyaadka Daacish, islamarkaana dhammaantood Soomaali ah ayaa iska dhiibay degaanka Timirshe oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka Bari, sida laga soo xigtay Af-hayeenka hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland S/guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo).

“Afar nin oo Soomaali ah oo Daacish ka tirsanaa baa shalay isa soo dhiibay, waxay iska soo dhiibeen degaanka Timirshe oo uu joogo wasiirkii Amniga Puntland Xaaji Bakiin, waxaana loo soo gudbin doonaa magaalada Boosaaso” ayuu yiri Af-hayeenka hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland S/guuto Maxamuud Faadhigo oo wareysi bixiyay.

“Goortay arkeen in Daacish iska geb-gabowday oo jabeen, waxay dan bideen in ay isa soo dhiibaan, maadaama aysan jirin meel danbe oo ay ku dhuuntaan, kaddib markii laga saaray goobtii u danbaysay ee ceelka Miraale, oo ay gabbaad ka dhiganayeeen, taasi ayaa keentay in ay is dhiibid bilaabaan” ayuu sii raaciyay S/guuto Maxamuud Faadhigo.

Warkan ayaa imaanaya, iyadoo firxadkii mileeshiyaadka Daacish laga saaray godkii u danbeeyay, oo ay kaga jireen togga Miraale, halkaasi oo ahayd saldhig istiraatiiji ah oo ay ku yaallaan difaacyo adag iyo ceelal biyo leh oo mudda lagu dhuuman karo.

PUNTLAND POST

The post Mileeshiyaadkii jabay ee Daacish oo bilaabay in ay si habqan ah isugu soo dhiibaan ciidamada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this