Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ku sii jeeda Boosaaso kaddib Safarkiisi Kenya iyo Imaaraatiga Carbeed

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1748883774291.jpg?resize=1000%2C9

Madaxweynaha Siciid Deni oo ku sugan Nairobi ayaa ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana laga sugaya in uu ku dhawaaqo in wejigii saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad uu si guul ah ku soo dhammaaday.

Imaatinkiisa Boosaaso ayaa ku soo aaday, iyadoo Sabtidii todobaadkan Ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay si buuxda argagixisada Daacish uga sifeeyaan togga Miraale, halkaasi oo uu ku eka wejiga saddexaad ee hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalka Calmiskaad ee ciribtirka Daacish oo bilowday horraantii sannadkan 2025 ayaa loo qorsheeyay in uu socdo mudda sannad iyo lix bilood ah, waxaase ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland tilmaamayaan in uu ka soo gaabtay wakhtigii hore loo qiyaasay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ku sii jeeda Boosaaso kaddib Safarkiisi Kenya iyo Imaaraatiga Carbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this