Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Suudaan oo Kala Diray Xukuumaddii KMG ahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan, Kaamil Idiris, ayaa kala diray xukuumaddii ku-meel-gaarka ahayd ee dalkaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dowladda ee SUNA.

Go’aankan ayaa yimid xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo adag, islamarkaana ay socdaan dagaallo xooggan oo u dhexeeya militariga iyo fallaagada RSF.

Kaamil Idiris ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay Sabtidii la soo dhaafay, isagoo noqday Ra’iisul Wasaarihii ugu horreeya ee Suudaan tan iyo markii talada dalka la wareegay ciidamada militariga sannadkii 2021-kii.

Afgambigaasi wuxuu meesha ka saaray dowladdii rayidka ahayd ee xilligaas jirtay ee hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Cabdalle Xamduug, taas oo horseedday dibadbaxyo baahsan iyo culeysyo caalami ah oo la saaray hoggaanka militariga.

Go’aanka uu Idiris ku kala diray xukuumaddii KMG ahayd ayaa loo arkaa mid lagu doonayo in lagu dhiso xukuumad cusub oo ka tarjunta isbeddelka lagu sheegay heshiiskii siyaasadeed oo la gaaray bilihii u dambeeyay, Heshiiskaas oo qayb ka ah dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee lagu doonayo in lagu dhiso dowlad rayid ah oo buuxda, loogana baxo kala-guurka siyaasadeed ee jahawareerka dhaliyay.

 

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this