Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa laga ogyahay xogta gabadha Soomaaliyeed ee lagu diley London?

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa faahfaahin ka bixiyay kiiska haweeney Soomaali ah oo lagu dilay toorrey, ayadoo falkaasi uu ka dhacday xaafadda Croydon.

Gabadhan oo lagu magacaabi jirey Maryama Osman, da’deeduna ahayd 26 jir ayay Booliisku sheegeen in 31-kii May, lagu weeraray toorrey, ka dibna ay geeriyootay.

Qeybta dembiyada culus ee booliiska Ingiriiska ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanno dheeri ah, ayagoo xaqiijiyay in goobta uu falku ka dhacay laga soo qabtay nin 33 jir oo ku luglahaanshaha dhacdadan la xariirinayo.

Sidoo kale booliisku waxay 1-dii bishan June xireen nin kale oo 32 jir ah, kaas oo asagana loo haysta falkaas, waxaana

Labada ninba hadda lagu sii daayay dammaanad ay dibedda ku joogi karaan inta uu socdo baaritaanku.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee toorreyda lagu dilayo ayaa ku soo badanayay dalka Ingiriiska muddooyinkii la soo dhaafay, ayadoo waalidiinta iyo bulshada halkaas ku nooli ay arrintaas walaac xoogan ka muujinayeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this