Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu wasiirka A/dibadda Sacuudiga ka yiri is-hortaagii ay ku sameysay Israa’iil?

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya, Amiir Faisal bin Farxaan, ayaa Axaddii sheegay in go’aanka Israa’iil ay ku hor istaagtay booqasho diblomaasiyiin Carbeed ku tagi lahaayeen Daanta Galbeed ee la haysto uu muujinayo “diidmo cad oo ku aaddan waddada diblomaasiyadda ee nabadda.”

Wasiirro ka kala socday Sacuudiga, Masar, Urdun iyo Baxrayn, iyo sidoo kale Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa qorsheeyay inay booqdaan dhulka Falastiiniyiinta. Laakiin Israa’iil ayaa Jimcihii sheegtay in aysan booqashadaas la shaqeyn doonin, taasoo si toos ah u carqaladeysay socdaalka maadaama Israa’iil ay maamusho xuduudaha iyo hawada Daanta Galbeed.

Amiir Faisal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Ammaan isagoo ay garab taagnaayeen dhiggiisa Masar, Urdun iyo Baxrayn, ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uu “ka tarjumayo xagjirnimo, isla markaana uu xaqiijinayo in aysan diyaar u ahayn wax dadaal dhab ah oo lagu gaaro xal diblomaasiyadeed. Waa muuqata in kaliya ay xiisaynayaan xalka rabshadaha ku saleysan.”

Wuxuu intaas ku daray in dalalka Carbeed ay weli u taagan yihiin garab istaagga xal ku saleysan laba dal.

“Haddii hal wax laga bartay dagaalka Gaza, waa in xal milatari uu yahay mid aan mira dhalin, kana fog inuu keeno amni labada dhinac midna. Waxaa loo baahan yahay xal siyaasadeed oo dhameystiran,” ayuu yiri.

Wafdiga la filayay inuu booqdo Daanta Galbeed ayaa la qorsheeyay inuu la kulmo Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, oo maamulkiisa uu xadidan yahay awoodiisa gudaha qaybo ka mid ah Daanta Galbeed.

Haddii booqashadu ay qabsoomi lahayd, Amiir Faisal wuxuu noqon lahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee Sacuudi ah ee ugu horreeyay ee si rasmi ah u taga Daanta Galbeed.

“Gaza, waa dagaal baabi’in ah. Halka Daanta Galbeed laga wado talaabooyin xiriir ah oo si cad loogu wiiqayo Maamulka Falastiiniyiinta, taasoo si toos halis ugu ah dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah,” ayuu yiri Amiir Faisal.

Sacuudi Carabiya ayaa la rumeysan yahay in ay ka hor dagaalka Gaza ku dhoweyd in ay aqoonsato Israa’iil, iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu booqashadiisii dhaweyd ee Riyadh ku sheegay in “rajadiisa iyo riyadiisa ugu weyn ay tahay in la helo heshiis labada dal ah.”

Si kastaba ha ahaatee, Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee Sacuudiga, ayaa marar badan ku celiyay in Sacuudi Carabiya aysan aqoonsan doonin Israa’iil illaa laga helo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

Bishan Juun, Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa si wadajir ah u shir-guddoomin doona shir caalami ah oo ka dhacaya xarunta Qaramada Midoobay, kaas oo loogu talagalay in dib loogu soo nooleeyo xalka laba dal ee lagu dhammeynayo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin.

Amiir Faisal ayaa sheegay in wasiirradu ay muuqaal-wicitaan kula hadleen Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas, ayna ka wadahadleen dadaallada socda ee lagu doonayo in dowlad Falastiini ah ay aqoonsadaan dalal badan, laguna kiciyo ra’yul-caamka caalamka iyo go’aamiyeyaasha caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

“Mar kale waxaan adkeynayaa: cid kasta oo sheegta in xalka laba dal uu yahay midka keliya ee suuragalka ah, waa inay sidoo kale qaataan mowqifyo dhab ah oo taageeraya xalkaas — gaar ahaan aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah,” ayuu yiri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this