Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay soo laabashada MAHAD SALAAD uga dhigan tahay NISA iyo Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-magacaabista Mahad Maxamed Salaad ee xilka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa astaan u ah isbeddel istaraatiijiyadeed oo ay dowladda federaalku ku doonayso inay dib ugu soo nooleyso dib-u-habeynta sirdoonka, una xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli uu dalku galayo marxalad amni oo kala-guur ah.

Go’aanka ayaa lagu ansixiyay kulan gaar ah oo ay Axaddii yeesheen golaha wasiirrada, kaasoo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Magacaabistan waxay dib u keenaysaa hoggaan khibrad leh oo dib-u-habeyn u heelan, xilli ay sii kordhayaan weerarrada argagixisada iyo baaqyada loo jeedinayo hay’adaha ammaanka ee la xisaabtanka leh.

Soo noqoshada hoggaan isbeddel-doon ah

Mahad Salaad wuxuu hore u ahaa agaasimaha NISA intii u dhexeysay Agoosto 2022 ilaa April 2023, muddadaas oo loo arko inay ahayd xilli xasillooni iyo dib-u-habeyn muhiim ah lagu sameeyay hay’adda sirdoonka.

Intii uu xilka hayay, NISA waxay hirgelisay dib-u-habeyn dhismeed oo lagu xoojiyay maamulkeeda gudaha, iyadoo sidoo kale la ansixiyay Xeerka Sirdoonka Qaranka — sharci qeexaya waajibaadka hay’adda islamarkaana soo rogay hannaan sharciyeed iyo isla xisaabtan.

Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo diblomaasiyiin ajaanib ahba waxay magacaabista Mahad u arkaan dadaal lagu soo celinayo xirfadda, kartida, iyo xasilloonida hay’adda. Waxa kale oo ay muujineysaa kalsoonida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo doorashadiisii 2022 dib ugu soo celinayay xilalka saraakiil uu aaminsan yahay.

Mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Mahad intii uu xilka hayay waxay ahayd xasillinta magaalada Muqdisho oo weerarro joogto ah ay ka fulin jireen Al-Shabaab.

Isaga oo adeegsanaya hawlgallo sirdoon oo isku xiran, NISA waxay hoos u dhigtay weerarradii argagixisada, iyadoo xitaa qaar ka mid ah degmooyinka laga cirib-tiray khatartii Al-Shabaab.

Ilo amni iyo la-taliyayaal madax-bannaan ayaa sheegay in hay’addu si weyn u ballaarisay ururinta xogta dadban (human intelligence), kordhisay kormeerka amniga, ayna xoojisay wada-shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada milatariga iyo booliiska.

Tallaabooyinkaas ayaa horseeday howlgallo ka-hor-tag ah, burburinta unugyo, iyo hirgelinta nidaam digniin hore ah oo waqti hore lagu ogaado weerarro waaweyn oo soo socda, taasoo muddo bilo ah ka hortagtay qaraxyo ka dhici lahaa bartamaha magaalada.

“Intii uu xilka hayay, weerarrada ka dhaca caasimadda waxay gaareen heerkii ugu hooseeyay sanadihii la soo dhaafay,” ayuu yiri sarkaal reer galbeed ah oo Muqdisho jooga. “Farqiga ma ahayn oo kaliya istaraatiijiyad dagaal, balse wuxuu ahaa mid dhisme hay’adeed oo hagaagsan—hay’ad ka jawaabaysa xog, halkii ay uga falcelin lahayd musiibo.”

Dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Soo noqoshada Mahad waxay ku soo beegantay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo lagu doonayo in laga saaro deegaanada ay weli ku sugan tahay sida Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed.

Guushii uu ka gaaray xasilinta Muqdisho ayaa kor u qaaday filashada in Mahad uu guulo la mid ah ka gaari karo magaalooyinka kale, ama ugu yaraan uu dib u dhisi karo isku-duwidii sirdoonka si loo ilaaliyo horumarka milatari iyo badbaadada dadweynaha.

Go’aanka lagu beddelay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” ma ahayn mid loogu heshiiyay si sahlan.

Sanbaloolshe, oo haystay taageero beeleed xooggan, ayaa la sheegay inuu ka biyo diidanaa in xilka laga qaado, isla markaana uu magacaabista Mahad u arkayay mid siyaasadeed. Si kastaba, dowladda federaalka ayaa difaacday isbeddelka, iyadoo ku tilmaamtay dib-u-habeyn hay’adaha amniga oo lagu kordhinayo waxqabadkooda.

Tani waxay la jaanqaadaysaa hab-raaca Madaxweyne Xasan Sheekh, oo tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay beddelay ama dib u magacaabay saraakiil hore si uu u dhiso koox amni oo la isku halleyn karo. Mahad ayaa hadda noqonaya mas’uulkii saddexaad ee dib loogu soo celiyo hoggaan muhiim ah.

Taageero lama filaan ah oo siyaasadeed

Arrin aan la filayn ayaa dhacday markii agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin — oo mar si kulul u dhaleeceeyay Mahad Salaad — uu baraha bulshada ku soo dhoweeyay magacaabistiisa. Wuxuu sidoo kale si ixtiraam leh u amaanay Sanbaloolshe, taasoo u muuqata astaamo muujinaya in xasilooni siyaasadeed laga yaabo inay ka dhex abuuranto hoggaamiyeyaasha sirdoonka ee horey isugu khilaafsanaa.

Fahad, oo mar Mahad Salaad ku tilmaamay “halis qaran,” wuxuu isbeddelkiisa mowqifka ah u muuqdaa mid muujinaya dib-u-miisaamid siyaasadeed ama ugu yaraan wada-noolaansho ku-meel-gaar ah.

Sanado badan, NISA waxaa lagu eedeeyay siyaasadeysan, kala qaybsanaan, iyo la’aan isla xisaabtan. Iyadoo Soomaaliya isu diyaarineyso inay si buuxda ula wareegto amniga dalka, waxaa si degdeg ah loo baahan yahay hay’ad sirdoon oo xirfad leh, madax-bannaan, kuna shaqeysa dan qaran.

Taageerayaasha Mahad waxay tilmaamayaan in aqoontiisa sharci, hab-maamuuskiisa hoggaamineed, iyo waayo-aragnimadiisa Muqdisho ay yihiin sababaha uu ugu habboon yahay inuu horkaco hay’adda NISA. Soo laabashadiisa waxaa laga filayaa inay dardargeliso dib-u-habeyn lagu soo celinayo kalsoonida shacabka iyo taageerada beesha caalamka.

“Mahad wuxuu keenay kala dambeyn iyo isku-duwid xilli dalka uu galay marxalad aad u adag,” ayuu yiri la-taliye dowladeed oo hore. “Hadda oo wajigii labaad ee amniga la bilaabay, hoggaamintiisa ayaa ah mid aad loogu baahan yahay.”

Soo noqoshada Mahad Maxamed Salaad ee xilka Agaasimaha NISA ma ahan oo kaliya isbeddel shaqaale; waa go’aan istaraatiiji ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo xasilloonida caasimadda, dib loogu soo celiyo dib-u-habeyntii hakadka gashay, looguna diyaargaroobo Soomaaliya oo la wareegaysa amnigeeda marka uu dhammaado howlgalka AUSSOM.

Iyada oo uu hore u muujiyay awood uu ku xasiliyo Muqdisho, isla markaana uu sare u qaado tayada sirdoonka, hoggaaminta Mahad Salaad ayaa muhiim u ah ilaalinta guulaha amni ee dalka iyo dhismaha hay’ad sirdoon qaran ah oo u adeega shacabka – kana madax bannaan loollan siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this