Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Miraale

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1748715600687.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland oo faahfaahin rasmi ah ka bixisay qabashadii maanta ee Taliska Miraale ayaa shaacisay in ay dagaallamayaal ka tirsan firxadkii argagixisada Daacish ku dishay hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay ka fulisay Miraale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ee dowlada Puntland ayay ku sheegeen in ay Taliska Miraale ku qabteen hawlgal cir iyo dhul ah, oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha qumaatiga u kacay iyo kuwa saaxiibada Caalamiga ah, hawlgalkaasi oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan firxadkii Daacish.

“Ciidamada Difaaca Puntland oo maanta toggii iyo Ceelkii Miiraale ku qaaday dagaal dhul iyo cirba leh oo ay fulinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa saaxiibbada caalamka ee duqaynta toosan ayaa si rasmi ah ula wareegey Taliskaasi” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF.

“Sharwadayaal gaaraya 15-qof ayay ciidamadu ku dileen inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baallade ka hor inta aanay firxan, waxaana ay ciidanku cagta-cagta u saareen firxadkooda kala firdhaday.Taliska Miiraale ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey oo khawaariijta Daacish gacantooda ku harsanaa fadhiisimaha ay ku lahaayeen Calmiskaad” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

Qabashada Taliskii Miraale ayaa ka dhigan in uu si guul ah ku soo dhammaaday wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad, siday sheegtay dowladda Puntland”Wejigii 3-aad ee hawlgalka ayaa Guul kusoo dhammaaday.”

Halkaan hoose ka eeg Sawirada

FB_IMG_1748715615260.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715604289.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715595035.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715623728.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715579164.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715628986.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715610340.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715550793.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715586750.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715543336.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715547088.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715634481.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1748715590985.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Sawirro: Ciidamada difaaca Puntland oo maanta si buuxda ula wareegay Taliskii Argagixisada Daacish ee Miraale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this