Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi Carabiya oo farriin xasaasi gaarsiisay madaxda Iran: “Laba mid kala doorta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay fariin toos ah u gudbiyay mas’uuliyiinta Iran, isagoo ku booriyay inay si dhab ah u qaataan dalabka Madaxweyne Donald Trump ee ku saabsan wadaxaajood nukliyeer ah, si looga hortago khatarta dagaal ay Israa’iil ku qaado Iran.

Iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in gobolka sii xasillooni darnaado, Boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdulcasiis, oo 89 jir ah, ayaa u diray wiilkiisa, Amiir Khalid bin Salman, Tehran si uu fariintaasi uga gaarsiiyo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei.

Kulankaasi gaarka ah oo dhacay 17-kii April kuna qabsoomay xarunta madaxtooyada Iran, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian, Taliyaha guud ee ciidamada Maxamed Baqeri, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraaqchi, sida ay sheegeen ilo wareedyo la hadlay Reuters.

Inkastoo warbaahinta ay tabiyeen booqashada Amiirka 37 jirka ah, haddana fariinta gaarka ah ee uu sitay wali lama shaacin ilaa hadda.

Amiir Khalid, oo ahaa safiirkii Sacuudiga ee Washington intii lagu jiray xilligii ugu horreeyay ee Trump, ayaa uga digay mas’uuliyiinta Iran in Madaxweyne Trump uusan dulqaad badan u lahayn wadahadallo waqti dheer qaata, sida ay xaqiijiyeen afar ilo xog ogaal ah.

Trump ayaa si lama filaan ah toddobaadyo ka hor ugu dhawaaqay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo lala leeyahay Tehran, kuwaasoo lagu doonayo in lagu xakameeyo barnaamijka nukliyeerka Iran, beddelkeedna laga yareeyo cunaqabateynta. Wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id uu la qabtay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo Washington u tegay si uu u helo taageero weerar milatari oo ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran.

Intii uu kulanku socday, Amiir Khalid wuxuu u sheegay madaxda Iran in kooxda Trump ay doonayso in si dhakhso leh loo gaaro heshiis, isla markaana fursadda diblomaasiyadeed aysan furnaan doonin muddo dheer, sida ay sheegeen afarta ilo wareed.

Wuxuu uga digay Tehran in heshiis lala gaaro Mareykanka uu ka roonaan doono khatar weerar Israa’iil haddii wadahadalladu burburaan, sida ay sheegeen laba ilo wareed oo reer Khaliij ah.

Labaduba waxay intaas ku dareen, iyadoo ay la socdaan diblomaasi reer Galbeed ah, in Amiirka Sacuudiga uu sheegay in gobolka—oo durba la daalaa dhacaya dagaalladii Gaza iyo Lubnaan—uusan u adkeysan karin xiisad kale oo sii kororta.

Dowladda Iran kama aysan jawaabin codsi faallo oo ay Reuters u dirtay ka hor daabacaadda warbixintan. Hase yeeshee, kadib, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa si adag u beeniyay warbixinta, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaaladda Fars ee Iran. Sidoo kale, Sacuudiga kama aysan falcelin codsigaasi.

Booqashada uu Amiir Khalid ku tagay Tehran—oo ah walaalka ka yar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman—ayaa ahayd tii ugu horreysay ee xubno sare oo reer boqor ah oo ka socda Riyadh ay booqdaan Iran muddo ku dhow labaatan sano.

Labada dal ayaa muddo dheer ahaa kuwo colaad siyaasadeed u dhexeeyso, marar badanna waxay taageereen dhinacyo iska soo horjeeda oo ku loolamaya dagaallo wakiilnimo ku dhisan, ilaa heshiis ay Shiinuhu dhexdhexaadiyeen sanadkii 2023 uu hoos u dhigay xiisaddii taagnayd, dibna u soo celiyay xiriir diblomaasiyadeed.

Saddex sano ee la soo dhaafay, saameynta gobolka ee Iran ayaa hoos u dhacday kaddib markii Israa’iil ay si xooggan u garaacday koxaha Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan, halka xulufadooda ugu dhow ee Suuriya—diktatoor Bashaar Al-Asad—la riddo. Cunaqabateyntii reer Galbeedka ayaa sidoo kale si daran u saameysay dhaqaalaha saliidda ku tiirsan ee Iran.

Mohanad Hage Ali, khabiir ku takhasusay arrimaha Iran kana tirsan xarunta fikirka Carnegie Middle East Center ee Beirut, ayaa sheegay in daciifnimada Tehran ay siisay Sacuudiga fursad uu ku muujiyo saameyn diblomaasiyadeed si looga hortago dagaal goboleed oo hor leh.

“Waa hubaal in Sacuudiyaanku ay ka fogaadaan dagaal, sababtoo ah dagaal lala galo Iran wuxuu si toos ah u halis gelinayaa himilooyinkooda dhaqaale iyo yoolkooda mustaqbalka,” ayuu u sheegay Reuters.

Iran: Ma aqbalayno shuruudo aan la hubin

Reuters ma aysan xaqiijin karin saameynta ay fariinta amiirku ku yeelatay hoggaanka Iran, balse afarta ilo wareed ayaa sheegay in Madaxweyne Pezeshkian uu muujiyay rabitaanka Tehran ee heshiis, si cunaqabataynta looga qaado, dhaqaalahoodana loo kobciyo.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Iran waxay muujiyeen cabsi ku saabsan hab-dhaqanka “aan la saadaalin karin” ee maamulka Trump—oo hal mar oggolaanaya kobcin xadidan oo uraniyam ah, halka mar kalena uu dalbanayo in gebi ahaanba la joojiyo barnaamijkaasi.

Trump ayaa sidoo kale hanjabay in uu adeegsan doono awood milatari haddii dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xakameynayo hamiga nukliyeerka Iran ay guul dareystaan.

Mid ka mid ah ilaha Iran ayaa sheegay in Pezeshkian uu caddeeyay in Tehran ay dooneyso heshiis, balse aysan aqbali doonin in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda kobcinta uraniyamka si keliya maxaa yeelay Trump uu doonayo heshiis degdeg ah.

Wadahadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa maray shan wareeg, balse weli waxaa jira caqabado dhowr ah—kuwaasoo ay ugu culus tahay arrinta uraniyamka.

Reuters ayaa Arbacadii ku warrantay in Iran ay diyaar u tahay inay si ku-meelgaar ah u hakiso kobcinta uraniyamka haddii Mareykanka uu sii daayo lacagaha xayiran isla markaana uu si siyaasadeed u aqoonsado xaqa Iran u leedahay inay u isticmaasho uraniyamka ujeeddooyin nabadeed. Warbixintaasi waxaa beeniyay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, sida ay qortay wakaaladda Fars.

Aqalka Cad kama uusan jawaabin su’aalihii Reuters ee ku saabsanaa in Mareykanku horey u ogaa digniinta Sacuudigu u diray Tehran.

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay: “Madaxweyne Trump si cad ayuu u hadlay: heshiis samee ama la kulan cawaaqib halis ah. Dhammaan duniduna arrintaas si dhab ah ayay u qaadanayaan—sida ay ahaydba.”

Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu Netanyahu uga digay toddobaadkii hore inuu qaado tallaabo kasta oo carqaladeyn karta wadahadallada, isagoo xusay in labada dhinac ee Mareykanka iyo Iran ay “aad isugu dhow yihiin xalka”.

Dowladda Israa’iil kama aysan jawaabin codsi faallo oo la xiriira arrintan.

Dhibaato hor leh oo laga digayo

Booqashadii afar-maalmood ahayd ee uu Trump ku tagay gobolka bishan ayaa Sacuudiga ku xardhay inuu yahay hoggaamiyaha cusub ee isbaheysiga dowladaha Sunniyiinta ee Bariga Dhexe, iyadoo laga buuxiyay booskii ay baneeyeen xulafadii Iran ee burburay. Intii lagu guda jiray safarkiisa, Amiir Maxamed Bin Salman ayaa dhexdhexaadiyay is-afgarad dhex maray Trump iyo hoggaamiyaha cusub ee Sunniyiinta Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Saameynta gobolka ee Tehran ayaa sii daciiftay kaddib guuldarrooyin milatari oo gaaray xulafadeeda ku jira isbaheysiga Shiicada ee loo yaqaan Axis of Resistance, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xamaas, Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen iyo maleeshiyaadka Ciraaq.

Kulankaasi, Amiir Khalid wuxuu Iran ku dhiirrigeliyay in ay dib u eegto siyaasaddeeda gobolka, isagoo xusay in isbeddel noocaas ah si weyn loogu soo dhawayn doono, gaar ahaan Riyadh, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Inkasta oo uusan si toos ah u eedeynin Iran, Amiir Khalid wuxuu muujiyay walaac ku saabsan in weerarro la mid ah kuwii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee 2019 lagu qaaday xarumaha shidaalka Aramco ay soo noqdaan—kuwaas oo Sacuudiga uu ku eedeeyay Iran iyo xulafadeeda Xuutiyiinta, inkastoo Tehran ay diiday eedeyntaasi.

Mas’uuliyiinta Iran waxay sheegeen in Tehran ay saameyn ku leedahay Xuutiyiinta balse aysan si toos ah u maamulin ficilladooda.

Sanado badan oo colaad ah oo u dhaxeeyay Iran oo Shiico ah iyo Sacuudiga oo Sunni ah ayaa kacsanaan geliyay Khaliijka, waxayna kicisay dagaallo ka dhacay Yemen ilaa Suuriya. Heshiiskii dejinta xiisadda ee 2023, oo uu door weyn ku lahaa dhaxal-sugaha Sacuudiga, ayaa lagu saleeyay yoolkiisa dhaqaale iyo baahida xasillooni siyaasadeed.

Si kastaba, diblomaasiyiin iyo khubaro goboleed ayaa sheegaya in Sacuudiga iyo waddamada kale ee gobolka aysan weli u arkin Iran inay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo marka la eego nabadda, waxayna ka cabsadeen in ficillada Tehran ay halis ku yihiin qorsheyaashooda horumarineed.

Ugu dambeyn, Amiir Khalid wuxuu Iran uga digay in iyadu ama xulafadeedu ay qaadaan tallaabooyin keeni kara caro kaga timaada Washington, isagoo si cad u sheegay in jawaabta Trump ay noqon doonto mid aad uga adag tii madaxda isaga ka horreysay sida Joe Biden ama Barack Obama.

Dhankiisa, wuxuu Tehran u ballanqaaday in Riyadh aysan oggolaan doonin in dhulkeeda ama hawadeeda laga adeegsado weerar kasta oo Mareykanka ama Israa’iil ay ku qaadaan Iran, sida ay sheegeen ilaha la hadlay Reuters.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this