Sign in to follow this  
Deeq A.

Kadib dhacdadii murugada laheyd, dowladda Spain oo soo bandhigtay Soomaali…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain ayaa soo badbaadiyay muhaajiriin Soomaali ah oo xaalad halis ah ku galay badda Mediterranean-ka, kuwaas oo ka baxay dalka Aljeeriya.

Wararka ayaa sheegaya in doonida ay saarnaayeen tahriibayaashan Soomaalida ah ay cilad soo wajahday, kadibna waxaa ka war helay ilaalada Spain oo gurmad deg-deg ah u fudiyay.

Sida ay Ogaatay Caasimada Online, tirada Soomaalida ee lasoo badbaadiyay ayaa ah 24 qof oo kala ah 19 rag ah, 3 dumar ah iyo ilmo yar, kuwaas oo la geeyay xarun gaar ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in haatan muhaajirinta loo fidiyay daryeel caafimaad, maadaama laba maalmood ay ku dhex jireen biyaha badda, kadibna waxaa ugu dambeyn howlgal samata bixin ah kusoo badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Spain.

Ujeedka muhaajirintan ayaa ahaa inay gaaraan waddada Yurub, iyaga oo raadinayo nolol ka wanaagsan midd ay ku haysteen dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Dhacdadan waxaa ka horreeyay musiibo kale oo maalin ka hor ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaas ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyarada ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this