Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka ku shirsan Muqdisho oo war culus ka soo saaray maqnaashaha Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee shirka ku yeeshay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay maqnaashaha madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo aanu kasoo muuqan shirkaas oo si weyn looga soo horjeeday qorshaha Xasan Sheekh.

Afhayeenka isbaheysiga cusub ee ay ku dhowaaqeen mucaaradka Daahir Maxamuud Geelle ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Farmaajo, kadib markii ay wax ka waydiiyeen Wariyeyaasha.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan rajeynayaa inuu yahay nin musharrax ah oo xukunka inuu kusoo noqdo raba waa madaxweyne dalka kasoo taliyay dadka qaar waa la fiicnaa, qaarna waa la qaldanaa, Baarlamaanka markii la’isugu tegeyna waxaa batay intii diidaneyd, intii ogoleydna waa yaraatay” ayuu yiri afhayeen Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Farmaajo uu yahay shaqsi, isla markaana uu ku biiri karo isbaheysigooda ama uu diidi karo, iyaguna aanay u diidin madasha.

Waxaa kale oo uu qiray inuu yahay musharrax madaxweyne oo xaq u leh inuu tartamo, ciddii uu doonana uu ku biiri karo.

“Hadda haddii uu yimaado waa muwaadin Soomaaliyeed oo tartami karo aniga inta aan la socdo madasha qof loo diiday la’iima sheegin, inta aan imidna ma aanan maqlin laakin waa nin siyaasi ah oo dad ay wax isku darsan karaan oo dad ay wax isku diidi karaan inuu yahay ayaan ogahay” ayuu mar kale yiri afhayeenka isbaheysiga cusub ee mucaaradka.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sidoo kale ka hadlay ku biiristiisa mucaaradka, maadaama mucaaradka dowladda uuu isaga casilay xilkii la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta.

“Aniga sideydaba xilka aan dowladda ka hayo hadii aana si madax-banaan u guda karin, aragteydeydana aysan tix-gelin laheyn waan iska wareejiyaa shaqada,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Wuxuu sheegay in khilaafka isaga iyo madaxda dowladda uu soo bilowday bishii October 2024, xiligaas oo Madaxweynaha uu ugu tegay Dhuusamareeb oo uu deganaa, kadibna uu kala taliyey qodobo markaas miiska u saaraa dowladda.

“Waxaa qodobadaas kamid ahaa in la joojiyo qorshaha lagu baabi’inayo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo madaxweyne ku xigeen lagu bedeli rabay, waxaan xiligaas madaxeynaha kala soo hadlay in aysan munaasab ahayn in Soomaaliya ay qaadato nidaamka Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Geelle.

Soomaaliya ayaa haatan gashay marxalad cusub, waxaana sii laba kacleeyay xiisadda ka taagan hanaanka doorashada oo ay isk hayaan Villa Soomaaliya iyo xubnaha mucaaradka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this