Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraastii Khadiija Diiriye iyo Seeseey oo lasoo buuxiyay – Yaa kusoo baxay maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lasoo buuxiyay laba kursi oo ka banaanaa Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay horay uga geeriyoodeen Allaha u wada naxariistee Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamuud Maxamed Seeseey.

Kuraastan oo doorashadooda lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo buuxiyay wiil uu dhalay xildhibaan hore Seeyseey iyo nin kale la dhashay Khadiija Diiriye, kuwaas oo ku fariisan doono kuraasta kala ah Hop097 iyo Hop098.

Doorashada ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa xubno ka tirsan HirShabelle, bulshada rayidka iyo nabaddoonka beesha leh kuraasta bannaanaatay Axmed Maxamuud Cosoble.

Sidoo kale ergada doorashada ee kursaasta Hop097 iyo Hop098 ayaa waxaa soo xaadirtay 101 ergo, iyada oo ay doorashada u dhacday hab xasiloon ,waxaana guuleystay musharraxiinta kala ah :

Cabdikarin Maxamed Diriye oo helay 78 Cod, kuna guuleystay kursiga Hop097 iyo Cabdulqadir Maxamud Maxamed oo isna helay 90 Cod, kuna soo baxay kursiga Hop098, sida uu ku dhowaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Doorashooyinka.

Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098).

Musharrixiinta guuleystay iyo kuwa laga guuleystay ayaa shalay lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta maanta lasoo buuxiyay

Labadaan kursi ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo.

Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyada oo kuraastan si hufan oo nabad ah loo soo buuxiyay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in iyana la qabto doorashada kuraasta kale ee ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this