Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahinta tahriibayaal Soomaali ah oo ku naf waayay badda Mediterranean-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Musiibo kale ayaa ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni siday dhalinyarro Soomaaliyeed ay halkaa ku degtay, taasoo sababtay geerida in ka badan 20 qof.

Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in rakaabka ay u dhinteen haraad, nafaqo-darro, iyo qabow daran. Waxaa la tuhunsan yahay in ay ku wareereen badweynta, maadaama doontu luntay maalmo badan, taasoo keentay in xaaladoodu si xawli ah u xumaato.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in muhaajiriintaasi ka ambabaxeen xeebaha Waqooyiga Afrika, iyaga oo rajo ka qabay in ay Yurub ka helaan nolol ka wanaagsan, shaqooyin, iyo fursado horumarineed. Balse safarkoodii riyada watay ayaa isu beddelay masiibo iyo naftooda ku waayan.

Waxaa la xaqiijiyay in kaliya laba qof ay ka badbaadeen safarkaasi naxdinta leh. Ilaalada badda ee Spain ayaa sheegay in labadaasi dhallinyaro ah hadda la keenay xarun caafimaad oo ku taal Jaziiradda Palma, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad oo deg-deg ah.

Booliska dalka Spain ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo cidda dhimatay, halka laga keenay doonta, iyo duruufihii keenay masiibada. Qoysas badan ayaa weli sugaya xog rasmi ah oo la xiriirta eheladooda.

Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub. Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.

Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this