Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo shaaciyay doorashada kuraastii Khadiija Diiriye iyo Seeseey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta oo Jimco ah si rasmi ah u shaaciyay in maalinta Sabtida ah la qaban doono doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee tirsigoodu yahay #HOP097 iyo #HOP098, kuwaas oo haatan banaan.

Kuraastan ayaa bannaanaday kaddib markii ay geeriyoodeen Allaha u naxariistee Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Seeseey), kuwaas oo horey ugu fadhiyay.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Suldaanka guud ee beesha Yaxar, Suldaan Axmed Maxamuud Cosoble, uu guddiga u gudbiyay liiska ergada dooran doonta labada kursi.

Ergadan ayaa noqon doonta midda xaqa u leh inay u codeeyaan musharrixiinta u tartamaya kuraasta #HOP097 iyo #HOP098, iyadoo lagu saleeyay nidaamka doorashada ee heer federaal.

Si ay doorashadu u dhacdo si waafaqsan sharciga iyo jadwalka, Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay liiska musharrixiinta rasmiga ah ee is-diiwaangeliyay, kuwaas oo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Musharaxiintan oo tiradoodu tahay afar, ayaa waxay kala yihiin: Cabdikarim Maxamed Diriye (#HOP097), Abdulqadir Maxamuud Maxamed (#HOP098), Maxamed Maxamuud Geeddi (#HOP097), iyo Axmed Aadan Muxyadiin (#HOP098).

Musharrixiintaas ayaa maanta lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii musharraxnimo magaalada Jowhar, taasoo u suurta-galineysa inay si rasmi ah ugu tartamaan kuraasta bannaan. Shahaadooyinka ayaa ah caddeyn buuxda oo muujinaysa in musharrax kasta uu yahay mid sharciyan xaq u leh ka qeyb-galka doorashada.

Labada kursi ee doorashadoodu dhaceyso berri, ayaa bannaanaday kaddib geeridii labada xildhibaan ee horey u matalayay. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku geeriyootay dalka Jabuuti bishii December 2023, halka Xildhibaan Seeseey uu geeriyooday bishii March ee isla sanadkaas.

Tan iyo xilligaas, kuraastaasi waxay ahaayeen kuwo bannaan, iyadoo Golaha Shacabkuna dhowaan ku dhawaaqay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo buuxiyo.

Si kastaba, Doorashadan ayaa la filayaa in ay dardar cusub geliso howlaha Golaha Shacabka, iyadoo la rajeynayo in kuraastan si hufan oo nabad ah loo buuxiyo. Guddiga Doorashooyinka ayaa muujiyay diyaar garow buuxa, waxaana la filayaa in doorashada maalinta Sabtida ah ay ku dhacdo jawi nabdoon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this