Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo war kasoo saaray dhacdadii naxdinta laheyd ee…

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain.

In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya.

“Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan.

“Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran:

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda.

Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan. (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo ay ku naf waayeen dhallinyaro Soomaaliyeed xilli ay ku jireen safar tahriib ah oo u dhaxeeyey dalalka Algeria iyo Spain.

In ka badan 20 qof ayaa geeriyooday kadib markii dooni siday ay halkaa ku degtay. Dhalinyaradan ayaa u safrayay si ay u gaaraan Jaziiradda Palma ee dalka Spain, iyaga oo rajeynayay nolol ka wanaagsan midda ay ka tageen.

Farmaajo ayaa ugu horreyntii tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhallinyarada, isagoo ugu baaqaya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada in ay si dhab ah u wajahaan sababaha tahriibka sii badinaya.

“Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Farmaajo ayaa si toos ah farta ugu fiiqay halista tahriibka, dhibaatooyinka ka dhasha, iyo doorka ay tahay in la qaato si looga hortago. Sidoo kale, wuxuu dhalinyarada u dardaarmay in ay u jeestaan wax-soo-saarka dalkooda halkii ay noloshooda halis gelin lahaayeen, isaga oo waalidiintana ku dhiirrigeliyay in ay door firfircoon ka qaataan ka hortagga masiibadan.

“Waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran:

Tacsida iyo murugada waxaan la qaybsanayaa ehelada iyo qoysaska ay ka bexeen dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku naf waayey badda u dhexaysa dalalka Aljeeriya iyo Isbayn.

Dhacdadan xanuunka badan waxa ay muujinaysaa halista dhabta ah ee uu leeyahay tahriibka galaaftay nafta iyo mustaqbalka da’yarteennii hantida u ahaa mustaqbalka dalka, lagana sugayey in ay dhexda u xirtaan sidii ay u samatabixin lahayeen dowladnimada, dadka iyo dalka.

Hoggaanka heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed waxaan ugu baaqaya in ay xoogga saaraan barnaamijyada dhiirri-gelinta iyo awood-siinta dhallinyarada, lagana taxadaro tallaabooyinka dhaawacaya niyadda dhallinyarada oo ay ugu horreeyaan musuqmaasuqa, eexda, amni darrada iyo hubinti la’aanta siyaasadeed.

Dhallinyarada waxaan ku adkaynayaa in aysan naftooda tahluuko ku gelin safarro halis ah oo badankood ku dhammaanaya geeri iyo uur-kutaallo, ayna u jeestaan difaaca dadkooda iyo wax-soosaarka dalkooda.

Waalidka Soomaaliyeed waxaan ku adkaynayaa inay da’yarta oo ah tacabkoodii iyo mustaqbalkii waddaanka ka xakameeyaan tahriibka noloshooda galaafan kara.

Ugu dambayn waxaan dowladda usoo jeedinayaa in ay tallaabooyin muuqda ka qaaddo qulqulka tahriibka oo ah masiibo qaran, lana xoojiyo wacyi gelinta dhallinyarada, iyadoo laga hortagayo shabakadaha iyo shakhsiyaadka ka ganacsanaya dhibaatadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this