Sign in to follow this  
Deeq A.

War-murtiyeedka shirka mucaaradka DF oo dib u dhac ku yimid + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd la filayay in la shaaciyo war-murtiyeedka shirkii mucaaradka dowladda federaalka Soomaaliya uga socday maalmihii dambe magaalada Muqdisho, kadib markii warbaahinta la isugu yeeray hoteel Jazeera oo uu ka socday shirka.

Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in war-murtiyeedka rasmiga ah uu soo bixi doono habeen dambe, isla markaana waqti dheeri ah lagu daray shirka u socda siyaasiyiinta mucaaradka.

“Waxaa u baahanahay in maalin kale ku darno shirka, sidaas daraadeed habeen dambe ayaa xafladii gaba-gabada aheyd, uuna soo bixi doona war-murtiyeedka,” ayuu yiri Daahir Geelle oo warbaahinta kula hadlay hoteelka uu haatan ka socdo shirka siyaasiyiinta mucaaradka.

Mucaaradka ayaa dhisay Madasha Samata-bixinta, taas oo mucaaradka uu sheegay in mugdiga looga saarayo wixii Soomaali u dhameyd oo uu god ku riday hoggaanka haatan tallada haya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka aamin baxay dastuurkii heshiiska lagu ahaa, wixii Soomaali ku dhameyd ayaa mugdi galaya, si mugdigaas looga baxo ayaana loo aas-aasay Madasha Samata-bixinta.”

Shirka mucaaradka oo ujeedkiisu ahaa in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka ayaa la filayaa inuu kasoo baxo war-murtiyeed xasaasi ah oo muujinaya mowqifka mucaaradka ee xaaladda taagan.

Shirkan oo uu guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh.

Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this