Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay Odayaasha Hawiye caawa kala hadleen Guddoomiye Muungaab?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad iyo Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa hogaaminayey odayaasha caawa la kulmay Muungaab.

Nabadoonada, Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka hoygiisa kusoo booqday Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay in markale loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Odayaasha ayaa kala hadlay guddoomiyaha shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horeyso in Muqdisho loo sameeyo Gole Deegaan oo soo doorta Guddoomiyaha.

Ugu dambeyntii, odayaasha ayaa ugu duceeyay in uu eebe kula garab galo masuuliyadda loo igmaday, iyagoo ka balan-qaaday inay la shaqeynayaan.

Guddoomiye Muungaab ayaa markii labaad loo soo magacaabay gobolka Banaadir, wuxuuna ku soo aaday xilli aad loogu baahan yahay in wax laga bedelo hab-maamulka gobolka Banaadir.

Muungaab ayaa bedelay Guddoomiye Maxamed Amiir oo noqday guddoomiyihii ugu muddo xileedka yaraa oo xafiiska joogay lix bilood kaliya.

20fc273f-8596-4caa-b9fc-1e19ad42e024.web c08a9614-2458-4b29-83a9-e99ea6c83ed8.web 71160794-74bf-4bcc-af90-f6212e02e396.web 14042d99-67fe-47d6-b558-5fac6e854c12.web 5a69ead7-ad15-475d-a7f5-5d1d06bfee5c.web 5aba7125-4110-4e7b-b533-aedd6facf4b8.web ff689110-b0b0-48b6-a75f-f295d511aeac.web 8c4800cd-6a86-4e53-adc4-88517df6b6a8.web 1eed796a-7672-47e3-8bc6-bdf33458be72.web 9cf3e161-a28c-47db-9741-eab3005c1545.web 4381cf14-48e3-49a7-b20a-13fcc2e13da6.web f3e47f3b-2afc-4142-8da9-2e3f49f7d286.web 35aa1ab1-45b5-47dd-a147-9e58a5863dd2.web

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this