Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka mucaaradka DF uga socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu waddaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka muhiimka ah ee u socda siyaasiyiinta mucaaradka ah, kaasi oo furmay maalintii Arbacada.

Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu falanqeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga iyo arrimaha doorashooyinka, oo ah qodob muhiim ah oo mucaaradka iyo dowladda federaalka isku hayaan. Waxaa shirkan lagu tilmaamay mid xasaasi ah oo saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirkan waxaa guddoominaya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Waxaa sidoo kale qeyb ka ah ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Maxamed Xuseen Rooble, iyo Saacid Shirdoon, iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo miisaan leh.

Kasoo qeyb-galka hogaamiyeyaashan waaweyn ayaa muujinaya sida uu shirkan muhiim ugu yahay mucaaradka iyo guud ahaan geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Intii uu shirku socday, madaxda mucaaradka ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulammadaasi waxaa ka mid ahaa kuwo lala yeeshay bahda warbaahinta iyo culumada Soomaaliyeed. Arrimahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in la helo wada-tashi guud iyo faham mideysan oo ku aaddan marxaladda uu marayo dalka.

Shirkan ayaa lagu faah-faahiyay dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka iyo sidii xal mideysan looga gaari lahaa.

Waxaa sidoo kale lagu lafa guray doorka ay mucaaradku ku yeelan karaan dib-u-habeynta amniga iyo qaabeynta doorashooyinka la filayo. Waxaana la isla gartay in loo baahan yahay is-afgarad iyo midnimo siyaasadeed si loo wajaho caqabadaha horyaalla dalka.

Maanta ayaa la filayaa in si rasmi ah loo soo xiro shirkan. Waxaa la sugayaa in laga soo saaro war-murtiyeed rasmi ah oo ay ku cad yihiin go’aamada laga gaaray arrimaha laga hadlay.

Go’aamadan ayaa la rajeynayaa inay noqdaan kuwo dhaxal-gal ah, isla markaana muujinaya aragti mideysan oo ka imaaneysa dhinaca mucaaradka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this