Deeq A. Posted May 29 Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka. Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Qodobka ugu horreeya ee kulanka lagu lafa guray wuxuu ahaa amniga guud ee dalka. Golaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay hay’adaha amniga oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaa la xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay fuliyaan hawl-gallo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amniga. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka. Golaha ayaa ka dooday caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo, si loo sugo badqabka shacabka iyo shaqaalaha la xiriira howlaha duulista hawada. Doodda Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku saabsanayd fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nidaamkaas loo fuliyo si hufan, si kor loogu qaado hannaanka shaqo ee dowladda iyo dhiirrigelinta shaqaalaha. Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dallacsiinta Axmed Jaamac Cumar oo la siiyay darajada Safiir. Go’aankan ayaa lagu saleeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha diblumaasiyadda iyo adeegga dowladda. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina lagu muujiyay sida ay Xukuumaddu ugu heelan tahay sugidda amniga, hagaajinta adeegyada dowladeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu tayeynayo shaqaalaha. Waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshayaashaas si dalka loogu horseedo horumar iyo xasillooni waarta. Share this post Link to post Share on other sites