Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ogolaatay xafiiska Somaliland iyo Cabdiraxmaan Cirro oo xariga ka jaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme cusub oo uu yeelanayo xafiiska Somaliland ee dalka Kenya.

Xafiiskan ayaa horey loogu qorsheeyay in la furo 27-kii bishan, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay furitaankiisa maalmo ka hor sababo la xiriira isbeddel lagu sameeyay heerka xafiiska.

Xafiiska cusub ayaa loo dalacsiiyay heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office).

Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho.

Xadhig-ka-jarista uu madaxweynaha sameeyay ayaa loo fasiray in Kenya ay ogolaatay heerka cusub ee xafiiska, taasoo siinaysa Somaliland miisaan siyaasadeed oo dheeraad ah. Hase yeeshee, socdaalkii uu Madaxweyne Cirro ku tegay Kenya 26-kii bishan, ayaa sababay in dowladda Kenya ay si cad u muujiso in ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya.

Qoraallo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu adkeeyay mowqifkaas, iyadoo si dadban u muujisay in aanay diyaar u ahayn inay aqoonsi siyaasadeed siiso Somaliland.

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa dhalleeceeyay socdaalka Madaxweyne Cirro, iyaga oo sheegay in safarka uu ku tegay Kenya aanu ku imaan casuumaad rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Xisbiga ayaa ku tilmaamay arrintaasi khalad diblomaasiyadeed oo dhaawici kara xiriirka dibadda ee Somaliland.

Warar kala duwan oo warbaahinta gudaha ay baahiyeen ayaa sheegaya in weli la filayo kulan dhex mara Madaxweyne Cirro iyo Madaxweynaha Kenya, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dowladda Kenya, dhankeeda, waxay mar kale ku celisay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka iyo kobaca ganacsiga, balse ay ilaalinayso mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this