Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo beeniyey arrintii lagu eedeeyey ee ardayda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si cad u beeniyay eedeymaha la xiriira isticmaalka awood si loogu qasbo ardayda jaamacadaha Magaalada Muqdisho inay qaataan kaarka codbixinta doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddigu wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu dhaawacayo hufnaanta iyo madax-bannaanida howlaha doorashada.

Cabdullaahi Salaad Yaroow, oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa isagoo safar ku jooga magaalada Dhuusamareeb warbaahinta u sheegay in wararka sheegaya in ardayda si khasab ah loo diiwaan-gelinayo ay yihiin been abuur aan waxba ka jirin.

Wuxuu sheegay in guddigu uusan marnaba isticmaalin xoog ama cabsi gelin si dad loo diiwaan-geliyo, isla markaana howlaha diiwaan-gelinta ay ku saleysan yihiin hannaan xor iyo xalaal ah.

Mas’uulkan ayaa caddeeyay in guddigu xarumaha waxbarashada u tagay codsi uga yimid dhanka ardayda iyo maamulka, maadaama maalmaha shaqada ee diiwaan-gelintu tahay Sabti ilaa Khamiis, ardayduna ay yihiin kuwo aan helin waqti ku filan oo ay xarumaha diiwaan-gelinta tagaan. Sidaa darteed, ayuu sheegay, waxaa lagama maarmaan noqotay in la fududeeyo habka ay ku qaadan karaan kaarkooda codbixinta.

Cabdullaahi Salaad Yaroow wuxuu ugu baaqay ururada siyaasadeed inay si mas’uuliyad leh u abaabulaan taageerayaashooda, ayna ka qayb qaataan geedi-socodka doorashada si nabad ah. Isagoo ugu yeeray inay tagaan xarumaha dowlad goboleedyada, si ay uga qayb qaataan diyaarinta doorasho xor ah oo lagu kalsoonaan karo, halkii ay eedeyn aan sal lahayn ku furi lahaayeen guddiga.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka si kulul u cambaareeyeen guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay inay isticmaalayaan qasabka iyo cabsi-gelinta ardayda jaamacadaha, isla markaana uu guddigu si sharci darro ah u marayo xuduudda awoodda uu leeyahay.

Guddiga Doorashooyinka ayaa mar kale adkeeyay in howlaha doorashooyinka lagu wado hufnaan, xorriyad iyo hab waafaqsan xeerarka dalka. Waxay sheegeen in eedeymaha siyaasadeed aysan caqabad ku noqon doonin hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ugu jiraan in shacabka Soomaaliyeed fursad xor ah u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this