Deeq A. Posted May 29 Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah baxsad ay ku raad-joogaan hay’adaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex-Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse. Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Dharkiinleey, Labaatankii bishii July ee sanadkii 2024. Warbixintu waxay sheegaysaa in sababta dilka ay ahayd muran sababay gacan ka hadal, kaasoo ka dhashay Boosaneer ku yaallay waddo luuq ah oo la maro. Waddadaas ayaa ahayd meel uu deganaa marxuumka, halka eedeysanuhu uu si joogto ah ugu mari jiray Moto Fekon ah. Dooddaas oo isu beddeshay rabshad ayaa horseeday dilka marxuumka, taasoo keentay in hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ay arrinta si gaar ah u baaraan. Eedeysanaha oo baxsad ah ayaa weli lagu raad-joogaa, iyadoo lagu wado in la qabto si loo fuliyo xukunka maxkamadda. Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska la qaado, codsigaasna waa laga ogolaaday. Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiyo kala duwan kadib, iyadoo waqti ku filan la siiyey dhinacyada dacwadda, waxay ugu dambeyn xukun ku ridday Ex-Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Baxsad), iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hanad Axmed Muuse. G/dhexe Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xukunkaasi, isagoo xusay in go’aanka maxkamaddu uu yahay mid waafaqsan cadaaladda isla markaana lagu saleynayo qaanuunka u yaalla ciidamada qalabka sida. Share this post Link to post Share on other sites