Sign in to follow this  
Deeq A.

Sanbaloolshe oo Xamar looga yeeray, lana shiraya Xasan – Xogta Jahawareerka NISA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka ee Degmada Moqokori, isagoo maanta yimid Muqdisho.

Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa la xiriirta  kulan uu la qaadanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu dhawro 24-ka saac ee nagu soo fool leh.

Sanbalooshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furin dagaal ee Gobolka Hiiraan ayaa ku hawlanaa abaabulka Macawiisleyda iyo xoojinta dadaallada looga difaayo kooxaha argagixisada deegaanada beeshiisa ee gobolka Hiiraan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Sanbalooshe uu ka fekerayo in uu booska banneeyo, haddii uu isfaham kasoo bixi waayo kulanka Madaxweynaha.

Isbeddelka NISA ayaa laga yaabaa in lagu soo beego waqtiga mucaaridka Muqdisho ku shirsan ay shaacinayaan Warmurtiyeedkooda, sida ay qorsheysay Villa Somalia.

Natiijadda kasoo baxda Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasime Sanbaloolshe ayaa saamayn ku yeelan karta qorshaha iyo jadwalka Madaxtooyada, maadaama ninkaan uu aad u diidan yahay in xilka laga qaado.

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay, Hay’adda Nabad Sugidda waxay lahayd laba Agaasim, kuwaas oo kala Sanbaloolshe oo Moqokori kasoo shaqeynayey iyo Mahad Salaad gurigiisa hay’adda ka dhex hagaya oo shaqaalihii saf ugu jiraan, maadaama la siiyey kursiga.

Mid si macnawi ah ayuu Agaasime u yahay oo kalsooni buuxda ayuu ku shaqeystaa, midka kalena in shaqada laga qaaday ayuu ogyahay oo shaacin kaliya dhiman tahay, balse wuu garawsan yahay inaan lagu dhiirran karin shaacinta go’aankaas inta uu furin dagaal ku jiro.

Xaaladda NISA ayaa maalmahaan ku jirtay jaha wareer maamul oo ka dhashay kala bedelka daahay ee labada agaasime, dadka xog ogaalka u ah arrimaha ammaanka ayaa muujinaya khatar badan oo ka dhalan karta arrintaan, maadaama uusan jirin Agaasime si dhab ah ay u dhibeyso masuuliyadda wixii dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this