Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa kuma ninka fuliyey weerarkii magaalada Liverpool?

Recommended Posts

Deeq A.   

Liverpool (Caasimada Online) – Booliiska UK ayaa Khamiistii dacwado kusoo oogay nin 53 jir ah oo lagu eedeeyay toddobo dembi, kaddib markii uu baabuur si ula kac ah ugu jiiray dad isugu soo baxay dabaal-degga guusha kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League horraantii toddobaadkan.

Paul Doyle ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin darawalnimo khatar ah iyo inuu u geystay dhaawac culus si ula kac ah intii lagu guda jiray dhacdadii Isniintii ka dhacday magaalada Liverpool ee waqooyi-galbeed England, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka.

Doyle ayaa xabsiga lagu hayaa, waxaana lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah kasoo hor muuqdo Maxkamadda Degmada Liverpool, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay ku-xigeenka taliyaha booliiska Merseyside, Jenny Sims.

Wadar ahaan 79 qof oo da’doodu u dhaxayso sagaal ilaa 78 sano ayaa ku dhaawacmay kaddib markii baabuur noociisu yahay Ford Galaxy uu dhex galay taageerayaal u dabaal-degayay guusha Liverpool ee horyaalkoodii 20-aad ee heerka koowaad ee Ingiriiska – guul bar-bardhig u ah rikoorkii ugu badnaa.

Ma jirin wax dhimasho ah oo la diiwaangeliyay.

Sims ayaa intaa ku dartay in toddoba qof ay weli isbitaalka ku jireen maalintii Khamiista.

Sarah Hammond oo ka tirsan Xafiiska Dacwad-Oogista Qaranka (Crown Prosecution Service) ayaa sheegtay in hay’addu ay ogolaatay in boolisku dacwad kusoo oogaan Doyle kaddib “baaritaan adag oo wali socda”.

“Dacwad-oogayaasha iyo booliisku waxay si degdeg ah uga shaqeynayaan dib-u-eegista caddeymo aad u fara badan,” ayay tiri.

“Tani waxa ay ka kooban tahay muuqaallo kala duwan iyo markhaatiyo tiro badan. Waa muhiim in dhibbane kasta uu helo caddaalad buuxda.”

Doyle, oo kasoo jeeda xaafad ku taalla magaalada Liverpool, ayaa la xiray Isniintii iyadoo lagu tuhunsanaa isku day dil, darawalnimo isagoo isticmaalay daroogo, iyo darawalnimo khatar ah.

Isku dayga dilka iyo darawalnimo isagoo daroogaysan laguma darin dacwadaha rasmi ah ee hadda lagu soo oogay.

Hammond ayaa xustay in dhammaan eedeymaha “dib loo eegi doono marka baaritaanku sii socdo”.

Warbaahinta UK ayaa sheegtay in Doyle uu yahay ganacsade hore uga tirsanaa ciidamada badda (marine), isla markaana uu yahay aabbe leh saddex carruur ah oo dhallinyaro ah.

Boqollaal kun oo taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Liverpool markii dabaal-deggii farxadda lahaa isu beddelay argagax.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurka oo si xoog ah ugu dhex dhacay dadkii isu soo baxay, iyadoo dadka qaar uu jiidayay, halka kuwa kalena ay ku dhaceen qeybta hore ee gaariga.

Afar qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku xayirmay hoosta baabuurka, waxaana laga saaray kaddib markii dab-demisyo ay kor u qaadeen si ay u badbaadiyaan.

Muuqaallo kale oo internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinaya gaariga oo la joojiyay iyadoo dad careysan ay hareereeyeen, kuna jebiyeen daaqadaha danbe, xilli booliisku isku dayayay inuu kala dhex galo.

Booliiska ayaa si degdeg ah u sheegay in dhacdadu aanay la xiriirin argagixisanimo. Sidoo kale, waxay shaaciyeen in shakhsiga la tuhunsan yahay uu yahay nin caddaan ah oo u dhashay Britain – tallaabo naadir ah oo loogu talagalay in lagu ciribtiro xogaha been-abuurka ah ee ku baahayay baraha bulshada.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this