Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay arrin xasaasi ah oo la xiriirta Calmiskaad iyo Calmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in maamulka Puntland uu ka waddo howlo macdan qodis ah buuraha silsiladda Golis, gaar ahaan deegaanada Calmiskaad iyo Calmadow ee gobollada Bari iyo Sanaag. Wasiirku waxa uu wararkaas ku sifeeyay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Isagoo ka jawaabayay su’aal la xiriirtay arrimaha macdan qodista ee lagu faafiyay baraha bulshada, ayuu Wasiir Maxamuud Caydiid sheegay in wararkaasi yihiin borobagaando ay faafinayaan kooxo ujeeddooyin gaar ah leh.

Waxa uu tilmaamay in kooxahaasi ay yihiin kuwo ka soo horjeeda dadaalka dowladda Puntland ee lagula dagaallamayo argagixisada ku sugan buurahaas.

“Ma jiro wax macdan baaris ama qodis ah oo ka socda buuraha Calmiskaad iyo Calmadow ee dhaca Puntland,” ayuu yiri Wasiirku. “Wararka arrintaasi sheegaya waa been abuur ay faafinayaan kuwa ka xun guulaha laga gaaray hawlgalladii argagixisada looga sifaynayay buurahaas.”

Wasiir Caydiid waxa uu xusay in mar kasta oo Puntland ay tallaabo ka qaaddo la-dagaallanka argagixisada ay kooxahaasi warar been abuur ah la soo shir tagaan si loo jahawareeriyo bulshada, loogana leexiyo ujeeddooyinka saxda ah ee dowladda. Waxa uu intaas ku daray in xilligii hawl-gallada Calmiskaad la bilaabayay ay isla beentan horay u faafiyeen.

Sida uu wasiirku sheegay, sheegashada ku saabsan macdan qodis waa xeelad ay kooxahaasi u adeegsanayaan si ay hoos ugu dhigaan guulaha Puntland ka gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxahaasi inay yihiin kuwa aan doonayn in deegaanka laga suuliyo khatarta kooxaha xagjirka ah.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Puntland inay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu faafinayo baraha bulshada, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaallada ay ugu jirto nabadgelyada iyo horumarka gobolka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this