Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in Madaxweynaha Ruushku uu Dab ku ciyaaraayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu Ruushka ka badbaadiyay “waxyaabo badan oo xun”.

“Vladimir Putin ma oga in haddii aysan aniga ahaan lahayn, in waxyaabo badan oo xun ay hadda ku dhici lahaayeen Ruushka,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth, isaga oo aan faahfaahin ka bixin oo dheeraad ah.

” Dab buu ku ciyaarayaa!” – ayuu Trump intaas ku daray.

Sanadkii hore, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu dagaalka Ukraine ku joojin doono “24 saacadood” gudahood.

Usbuucii tegay, wuxuu sheegay in arrintaasi aysan xallismi doonin ilaa isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay si fool-ka-fool ah isu arkaan oo ay si wadajir ah uga wadahadlaan.

Isniintii, mowqifkaasi wuu isbeddelay.

Kadib markii uu laba saacadood taleefan kula hadlay Putin, Trump wuxuu sheegay in xaaladaha heshiiska nabadeed kaliya laga wada xaajoon karo inta u dhexeysa Ruushka iyo Ukraine – waxaana laga yaabaa in uu ka qeyb qaato Baadariga Vatican-ka.

Madaxweyne Trump oo goor dambe oo Axaddii ah wariyeyaasha kula hadlayey gobolka New Jersey, ayaa sheegay in uu Putin yaqaannay muddo dheer, islamarkaana uu mar walba si fiican iskula jaanqaadi jireen, laakiin uusan la dhicin duqeymaha uu ku hayo.

Trump ayaa goor dambe ku qoray boggiisa Social Truth in Putin “dhab ahaantii waashay”.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this