Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh nololeedka Janeraal Maxamed Xirsi Moorgan

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa Saacado ka hor magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku geeriyooday Janeraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka tirsanaa saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Islamarkaana dowladdii kacaanka ka soo qabtay xilal u kamid ahaa wasiirka gaashaandhiggu.

General Morgan, wuxuu ahaa sarkaal sare oo ciidan iyo siyaasi Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa sodog u ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre.

General Maxamed Siciid Xirsi Morgan wuxuu ku dhashay magaalada Qardho ee gobolka Bari, sanadkii 1949, wuxuuna markii uu ciidanka ku biiray tababarro militari ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka.

Burburkii ka hor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu awoodda badnaa ciidanka xoogga dalka , isagoo soo hoggaamiyay qeybta 21-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusa Mareeb iyo qeybta 26-aad ee Hargeysa.

Sidoo kale, wuxuu ahaa taliyaha cutub la oran jiray “Red Berets” oo loo adeegsaday in lagu xakameeyo kacdoonkii SSDF ee 1982, asagoo xilligii ahaa mid kamida saraakiisha gacanta midig u ahaa madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Xilalka Dowladeed

Sanadkii 1990, General Morgan waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, isagoo xilkaas hayay ilaa 26-kii Janaayo 1991, markaas oo xukunka laga tuuray Siyaad Barre.

Dagaalkii Waqooyiga

Intii uu taliyaha ka ahaa qeybta 26-aad ee Hargeysa, sanadkii 1988, waxaa dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamadii dowladda iyo jabhaddii SNM, General Morganna waxaa lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dil wadareedyo ka dhacay Hargeysa iyo Burco.

Dagaalladii Kismaayo

Kadib burburkii dowladdii dhexe, General Morgan wuxuu isku dayay inuu maamulo magaalada Kismaayo iyo gobollada kale ee Jubbooyinka, wuxuuna dagaallo adag la galay Janeraal Maxamed Faarax Caydiid iyo Kornayl Barre Aadan Shire ( Hiiraale).

Ka Qaybgalkii Shirarka Nabadda

Inkasta oo uu ku lug lahaa dagaallo badan, General Morgan wuxuu ka qayb-galay shirar badan oo lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadaha Soomaaliya, sida shirkii Kenya ee 2004, balse urur goboleedka IGAD ayaa mar ku eedeysay inuu carqaladaynayo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee General Morgan wuxuu ahaa shaqsi saameyn weyn ku leh taariikhda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii dowladdii kacaanka iyo dagaalladii sokeeyeba, wuxuuna kamid ahaa raggii ugu shiishyansanaa ciidanka.

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this