Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay hay’adda SoDMA ka tiri fadeexaddii Moqokori?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa beenisay in ay iyadu keentay daawooyin dhawaan lagu soo bandhigay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hay’addu waxay sheegtay in gargaarkaasi aanu wax shaqo ah ku lahayn dadaallada ay wado, isla markaana uu yahay mid si khaldan loogu eedeeyay.

Daawooyinkan ayaa markii hore la soo bandhigay 25-ka May 2025, iyadoo maamulka gobolka Hiiraan uu sheegay in agabkaasi aanu dabooli karin baahiyaha daran ee ka jira deegaanka. Sidoo kale, maamulka Hirshabeelle ayaa ka muujiyay dareen niyad jab ah, isagoo tilmaamay in gargaarkaasi aanu ahayn mid laga filan karo hay’ad sida SoDMA oo kale ah.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ee SoDMA, Cabdullahi Muuse Axmed (Fanax), ayaa ku dooday in daawooyinkaas aysan aheyn kuwii ay geysay hay’adda, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn waxyaabaha laga arkay baraha bulshada.

Fanax ayaa intaas ku daray in mas’uuliyadda arrintaas ay qaadayaan dadka soo bandhigay oo si khaldan ugu eedeeyay hay’adda waxaas been abuurka ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda caafimaadka ee hay’addu waxay xustay in ay diyaarisay shixnad daawooyin ah oo badan si loogu gurmado dadka deegaanka Moqokori, balse dhibaatooyinka la xiriira awoodda xamuulka diyaaradaha ay sababtay in hal tan oo kaliya la geeyo.

Sidoo kale, hay’adda SoDMA waxay soo bandhigtay liiska agabka caafimaad ee ay si gaar ah u geysay degmada Moqokori.

Hay’addu waxay sheegtay in agabkii laga arkay warbaahinta bulshada, oo ay ka mid ahaayeen faleembooyin, kaniiniyo, sharoobo muddo kooban uga harsan tahay in ay dhacdo, iyo kabaha ilaalinta darawallada mootooyinka, aysan wax xiriir ah la lahayn gargaarkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this