Deeq A. Posted May 27 Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray qaar kamid ah ciyaartoyda halyeeyada Kubadda Cagta ee Afrika iyo wafdi sare oo ka socda xiriirada kubadda cagta adduunka iyo Afrika, kuwaas oo kala ah FIFA iyo CAF. Wafdigan culus iyo ciyaartoyda oo kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka ciyaaraha, hoggaanka sare ee xiriirka kubadda cagta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Halyeeyadan ayaa casuumaad rasmi ah ka helay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka wanaagsan oo ay Soomaaliya la leedahay ururada caalamiga ah ee ciyaaraha. Sidoo kale waxaa la filayaa in galabta ay dhacdo ciyaar aad u xiiso badan oo u dhaxeysa labo koox oo kala meteli doona ciyaartoyda fudaha dalka iyo kuwa ajaaniibta ah. Kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda dalka waxaa ka soo muuqan doona qaar ka mid ah halyeeyada isboortiga dalka, halka kooxda ku ciyaari doonta fanaanadda ciyaartoyda ajnaaniibta ay ka soo muuqan doonaan ciyaartoyda ajnabiga ah ee ka ciyaara dalka iyo kuwa martida ah ee maanta soo gaaray magaalada Muqdiho. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Dahabo Suusow Maxamuud, ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed — muxaafid iyo mucaaradba — in ay si mideysan u soo xaadiraan garoonka Muqdisho Stadium, si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhoweyntooda wafdigan heerka caalami ah. Sidoo kale, xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankan uu yahay calaamad muujinaysa soo kabashada dalka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxay sidoo kale xuseen in ay tani tahay fursad lagu soo celinayo kalsoonida caalamiga ah ee ku aaddan qabashada tartamada heer caalami ee gudaha Soomaaliya. Dhanka kale, wasaaradda ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa taageerayaasha daneenaya daawashada ciyaartaas xiisaha lagu ku wargelisay inay garoonka soo xaadiraan xili hore si ay kaga gudbaan habraacyada amniga. Waxaa kale oo taageerayaasha lagu wargelinayay in ay muujiyaan daganaan iyo ilbaxnimo maadaama beri ay magaalada Muqdisho diri doonto farriin caalami ah oo ku aaddan isboortiga iyo amniga dalka. Imaashaha wafdigan culus ayaa xambaarsan fariin muujinaysa taageero iyo dhiirrigelin loogu talagalay horumarka ciyaaraha dalka oo haatan maraya meel wanaagsan. Share this post Link to post Share on other sites