Sign in to follow this  
Deeq A.

SHARIIF oo shaaciyay hab-dhaqan ay lasoo baxday DF kadib arrin soo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa weerar culus ku qaaday dowladda federaalka iyo guddiga qaran ee loo xilsaaray arrimaha doorashooyinka dalka.

Shariif ayaa marka hore nasiib darro ku tilmaamay hab-dhaqan cusub oo uu tilmaamay inay lasoo baxday dowladda, ayna isaga horkeeneyso shacabka deggan caasimada.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay in meesha laga saaray degmooyin ku yaalla Muqdisho, sida Kaxda isla-markaana lagu tuntay xaquuqdii ay lahaayeen, maadaama ay yihiin canshuur bixiyeyaal.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Sidoo kale wuxuu cambaareeyay in awood loo adeegsado shacabka Kaxda ee kasoo horjeedo diiwaan-gelinta ka socota degmadaas, xilli la hoos geeyay degmada Dharkenley.

“Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlayay xaaladda ka taagan degmada Kaxda.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay”.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay tallaabooyinka uu qaadayo guddiga doorashada, isaga oo ugu baaqay inay ka waantoobaan cadaadis uu sheegay inay ku hayaan shacabka caasimada.

“Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo  hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn” ayuu mar kale yiri Shariifka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo guddiga lagu eedeeyay in iyaga oo wata ciidamo ay shalay tageen xarumo ay ka mid yihiin jaamacado, kadibna ay ka bilaabeen diiwan-gelinta ardayda, si ay qayb uga noqdaan ololaha diiwaangelinta qof iyo cod ee ka socda Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this