Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo soo saaray dalab culus oo ku socda madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlinle) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo qoraal soo saaray ayaa dalab culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la xiriirta doorashada dalka iyo diiwaan-gelinta ka socota Muqdisho.

Khayre ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan degmada Kaxda, kadib markii xiisad culus ay ka dhalatay diiwaan-gelinta degmadaas oo la hoos geeyay Dharkenley, waxayna keentay in shacabka ay ka caroodaan, ayna dibadbax ka dhigaan qaybo ka mid ah Kaxda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa cambaareeyay falkan, wuxuuna tilmaamay in caga jugleyn lagu hayo shacabka ku dhaqan degmadaasi.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay ” Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda”.

Dhanka kale, Khayre ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u diray farriin culus, isaga oo ka dalbaday inuu ka laabto amar uu sheegay inuu bixiyay, laguna caburinayo shacabka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

“Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka”” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare hore Xasan Cali Khayre.

Goo sii horeysay waxaa sidan oo kale arrinta degmada Kaxda iyo xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta dadweynaha ka hadlay madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo maamulkiisa.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah”.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana dowladda federaalka iyo mucaaradka ay isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this