Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo caawa anisixyey qorshe culus oo ku saabsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ankara (Caasimada Online) – Golaha Amniga Qaranka ee dalka Turkiga, ayaa caawa ansixiyey duulaan ka dhan kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, si loo dhaqaajiyo ajendayaasha labada dal oo kooxahaasi ay caqabad weyn ku hayaan.

Kulan xasaasi ah oo uu shir guddoomiyey Madaxweynaha dalka Turkiga, Raceb Dayib Erdogan, ayaa lagu ansixiyey in Turkigu qaado duulaan deg deg ah oo ku wajahan argagixisada Soomaaliya, taas oo ka dhigan in ciidan Turki ah loo soo dirayo Soomaaliya.

Qorshaha duulaanka la ansixiyey waxaa qeyb ka ah, dalalka Sudan iyo Libya, halkaas oo ay ka dagaalamaan kooxo ka soo horjeeda dowladaha rasmiga ah ee dalalkaas oo Turkigu uu taageero.

Soomaaliya, waxaa bilihii lasoo dhaafay la sheegay in la keenay ciidamo hordhac ah oo Turki ah, kuwaas oo hadda la ogaamiyey in lasoo kordhiyo, si Khawaarijta ay ula dagaalamaan.

Dagaalka argagixisada Soomaaliya, waxaa Turkiga ku kalifaya qorshihiisa shidaal qodista oo dhowaan ka bilaaba raba Galmudug iyo HirShabeelle.

Markaan waxaa la qorsheeyey in dhulka labadaas dowlad goboleed deg deg looga xoreeyo argagixisada, si loo bilaabo qodista Shidaalka Soomaaliya oo Turkiga loo saxiixay, kaas oo hadda baaritaankiisa la soo gabagabeeyey.

Gabagabada toddobaadkaan ayaa la qorsheynayaa in lagu dhawaaqo in lasoo gabgabeeyey baaritaankii shidaalka ee Baloogyadii lagula heshiiyey Turkiga, waxaana bilaaba doonta qiimeynta.

Qiimeynta natiijada ka soo baxday baaritaanka kadib, ayuu Turkigu bilaabayaa qodista, wararka hordhaca ah ee natiijada ayaa sheegaya in shidaal badan laga helay badda Soomaaliya, gaar ahaan qeybihii la baaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this