Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoysaska la-haysteyaasha Israa’iil ee Marinka Qasa oo xaaladda cabsi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Si ay sheegtay warbaahinta ka howlgasha Tel Aviv dadweynaha Israa’iil, gaar ahaan qoysaska la-haystetaasha Marinka Qasa ayaa wajahaya xaalado cabsi iyo argagax ah, ka markii ay soo gaareen farriimo muujinaya dhibaatada ay ku jiraan maxaabiistoodu.

Xaaladdan argagax leh ayaa ku fiday guud Israa’iiliyiinta, ka dib markii tiro ka mid ahi ay xaqiijiyeen in laga soo wacay taleefoonno aan la garanayn, islamarkaana lala wadaagay cajalado ay ku duubanyihiin codadka maxaabiista oo qeylinaya.

Sida laga soo xigtay wargeyska Yedioth Ahronoth, qaar ka mid ah dadkaas ayaa sheegay in wicitaanada ay ku jiraan codad murugo leh, seeriga ama faranbiga digniinta, iyo qaraxyo dhacaya oo xiga.

Qoysaska ayaa horay uga quustay in codsiyadooda uu tixgeliyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu, islamarkaana oo si dhab ah u fuliyo heshiisyada xabbad-joojin ah si loo dhammaystiro is dhaafsiga maxaabiista, loona soo afjaro Xasuuqa Qasa ka socda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this