Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mid ah Ciyaartoydii Hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya oo Muqdisho lagu toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho – Alle ha u naxariistee, Cabdifataax Carab, oo ka mid ahaa ciyaartoydii hore ee xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cabdifataax oo muddooyinkii u dambeeyay ku shaqeysanayay mootada loo yaqaan “Faykon” ayaa waxaa si arxan darro ah u toogtay nin ilaalo ka ahaa goob ganacsi oo ku taalla magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Safaari Apartment, halkaas oo la sheegay in ninka dilka geystay uu ka tirsanaa shaqaalaha amniga ee xaruntaas.

Sida wararku sheegayaan, Cabdifataax Carab ayaa sidoo kale ka mid ahaa shaqaalaha Astaan TV, taas oo muujineysa inuu lahaa xirfado badan oo uu noloshiisa ku maareynayay.

Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay bulshada ciyaaraha iyo warbaahinta Soomaaliyeed, waxaana baraha bulshada ku baahay tacsi iyo murugo ay muujinayaan dadka garanayay iyo kuwii taageeri jiray.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay toogashada, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ama maamulka goobta uu dilku ka dhacay.

Cabdifataax Carab ayaa lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay ciyaaraha dalka, isagoo door weyn ku lahaa horumarka kubadda cagta Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this