Sign in to follow this  
Xudeedi

Galgala: Many Weapons Deployed by Amisom Fall in the Hands of Western Bari Troops

Recommended Posts

Xudeedi   

Kagadaal markii dagaalo lagu hoobtay ay dib uga qarxeen habeen hore degmada Galgala ee gobolka Bari, oo uu hogaaminaya Sayid Sh. Maxamed Siciid Atom iyo ciidamada ladagaalanka Shahadada ee Puntland kuwaaso oo dagaalo aad u xoogani ay ku dhexmareen deegaamada Madarshoon “Galbeedka Galgala”, Balikhadar iyo Sugure oo iyana ah dhanka Bari ee degmada Galgala, ayaa lagusoo waramayaa in lawaayey meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ku dhowaad 180 askari oo ka tirsan maamulka Puntland.

 

 

Khidada Dagaal ee Sayid Sh.Maxamed Siciid Atom iy ciidamada uu hogaaminay ay ubedeleen dagaalkii ay kula jireen Maamulka iyo shahaado ladirirka PISta ayaa sababtay in labo cisho gudohood kudhowaad 8 dagaal oo rogaal celis ahi ay dhexmaraan labada dhinac dagaaladan oo dhamaantood ay ku soo qaadeen saldhigyadii ay PL ka dhisteen aagii dagaalka ee todobaakii hore.

 

 

Naftood hurayaasha uuhogaamiyo Sayid Sh.Atam

Saanad dagaal oo Federalku siiyey Puntland iyo Shahaado la dirirka ayaa la xaqiijiyey in uu gacanta u galay ciidamada Sayid Shiikh Atam,sidoo kale waxaa dhimashadii ciidankaasi la geeyey magaalooyinka loo kala yaqaano Karin,Kala dhacda,Jiingada iyo Balikhadar taasi oo muujinaysaa baaxad jabka soo gaadhay ciidamada ladagaalanka Shahaada Islaamka. sidoo kale dhaawac aad u balaadhan ayaa lageeyey Boosaso. iyo dhimasho aan laxaqiijiyey iyadoo mobile-ladii gacanta laga ururiyay dad kaqaybgalay dagaalka oo u badnaa askartii ku soo jabtay dagaalka.

 

Ugu danbayntii ciidanki lawaayey ayaa loo malaynayaa in ay hortiin banaan u bexeen ka gadaal markii gurmadkoodii dhexda loo galay lana kal firxiyey oo tiro kale ay go’doon ku yihiin magaalada Galgala oo hareeraha ay kaga suganyihiin Ciidamada Sayid Shiikh Maxamed Siciid Atom.

 

Ishawararka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dagaallo culus oo u dhexeeyay Ciidamada Deegaanka Galgala iyo Maleehshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole ayaa xalay markale ka dhacay agagaarka degmada Galgala ee Gobalka Bari oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo ka socdeen.

 

 

Xoogaga Mujaahidiinta Galgala ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku qaaday Fariisimo ay Maleeshiyaadka PIS-ta Faroole ku lahaayeen agagaarka galgala waxaana halkaasi ka dhashay Khasaara xoogan oo soo gaaray Maleeshiyaadkii dadka deegaanka kusoo duushay.

 

 

Saraakiil katirsan Ciidamada Mujaahidiinta Galgala ayaa sheegay in dagaalkii xalay ay ku gubeen 3 Gaari oo Nuuca dagaalka ah islamarkaana ay ku furteen 5 qori oo laba kamid ah ay ahaayeen Nuuca PKM-ka loo yaqaan.

 

 

Mas'uuliyiintan u hadashay Sheekh ATAM waxay carrabka ku dhejiyeen in saacado kooban ay la wareegeen Fariisinka ay Maleeshiyaadka Faroole horay ugu sugnaayeen Markii dambana ay dib ugu gurteen iyagoo Bad qabana ay ku laabteen meelihii ay kasoo duulaan tageen.

 

 

Kamiino lagu laayay Maleeshiyada Faroole oo dhacay:

 

.

Shabakadda SomaliMeMo ayaa loo xaqiijiyey in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ay Xoogaga Sheekh AtAM hogaamiyo ay Dhabagallo dhowr ah u dhigeen Maleeshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole.

 

Kamiinada ama Dhabagaladu waxay ka dheceen inta u dhexaysa Boosaaso iyo Galgala taasi oo la yaab ku noqotay Maleeshiyaadka Cabdi Raxmaan Faroole ee duulaanka ku ah dadka deegaanka.

 

 

Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa noo xaqiijiyay in shalay oo kaliya ay dheceen 3 Kamiin ama Dhabagal laba kamid ahna gaadiid dagaal lagu gubay Khasaara dhimasha ahna ay soo garatay Maleeshiyada Faroole.

 

Xoogaga Mujaahidiinta ayaa qarka u saaran in ay kala jaraan Boosaaso iyo Galgala taasi oo keeni karta in ay kala go'doomaan Maleeshiyaadka layskusoo aruuriyay ee dhibaatada ka wada degmada galgala.

 

 

Dhulka Buuralayda ah ku dagaalankiisa ayaa u baahan aqoon dheeri ah iyo Sabar taasina ma hayaan Maleeshiyaadka Garowe iyo Boosaaso lagasoo aruuriyay, ciidamada Sheekh Atam ayaa Tababaro u leh ku dagaalanka Buuraha iyo dagaalka Dhuumalaysiga ah.

 

 

Xoogaga Deegaanka ayaa Fashiliyay Hamigii Itoobiya iyo Faroole qabeen oo ahaa in ay Tirtiraan Shacabka deegaanka ee go'aansaday ku dhaqanka shareecada Islaamka waxana muuqanaysa in xoogaga Galgala ay soo ceshanayaan sharaftoodii

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Dabshid, men who use our regions as a bargaining chip to earn posts in Mogadishu (Prime minister), are quick to show their colors when push comes to shuv.

 

The 4.5 system has failed as miserably as Puntland. Ina sharmarke or the Pillsbury Dow-Boy of the TFG was awarded this post as representative for us.

 

Makhir administration is far due, in order to eliminate Garowe's representation for Makhiri regions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this