Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanno laga soo saaray degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo Hubka laga mamnuucay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20250522_140537782.jpg?resize=720

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, maamulka degmada iyo waxgaradka degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa go’aamo ka soo saaray shirar looga hadlayo ammaanka iyo horumarinta guud ee degmadaasi.

Shirkaan oo daba socdey shaqaaqooyin horay degmada uga dhacay ayaa lagaga dhawaaqay in wixii hadda ka dambeeya aan hub lala dhexmari karin degmada Eyl iyo deegaamada hoosyimaada, iyadoo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku dhaqaaqda falal ammaanka liddi ku ah.

Taliyaha la dagaalanka argagixisada Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay boqolaal kamid ah bulshada degmada Eyl ayaa sheegay in ciddii hub lagu arko ay ciidanku amar ku qabaan inay toogtaan haddii aysan soo dhiibin, wuxuuna intaas ku daray in ciddii falal ammaan xumo lagu soo eedeeyo loo dhaadhicin doono xabsiyo durugsan.

“Maantay go’aan baa soo baxay qori ninkii qaata oo lagu arko waa lagu dilayaa ciidanku amar bay u qabaan cidloo qabsanayana ma jirto, dhig haddii layiraahdo oo uu gacmaha taagana waa la xiraayaa, haddaan saas wax laga bedelin habeen madaw ayaa lala baxayaa qof walba oo dhib wada”, Ayuu yiri Gen. Muxuyadiin.

PUNTLAND POST

The post Go’aanno laga soo saaray degmada Eyl ee Gobolka Nugaal oo Hubka laga mamnuucay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this