Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay dowladda Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

51e369a0-378d-11f0-8519-3b5a01ebe413.jpg

Mareykanka ayaa sheegay in Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah waxuuna ku dhawaaqay cunaqabatayn cusub.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Suudaan adeegsatay hub kiimiko ah sanadkii hore intii uu socday dagaalka sokeeye ee ka dhanka ah Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF).

Dhoofinta alaabaha Maraykanka ee Suudaan ayaa la xadidi doonaa iyo sidoo kale amaahda maaliyadeed laga bilaabo 6-da Juun, sida lagu sheegay bayaan uu akhriyay af hayeenka wasaaradda Tammy Bruce.

Milateriga Suudaan iyo kooxda dagaalka kula jirta ee RSF ayaa labaduba waxaa horay loogu eedeeyay dambiyo dagaal intii ay socdeen iskahorimaadyada u dhaxeeya.

BBC-da ayaa la xiriiray Suudaan si ay jawaab uga bixiso tallabadan ugu dambeeysay ee Mareykanka. Saraakiisha Suudaan ayaa sheegay in aysan wali war ka haynin.

In ka badan 150,000 oo qof ayaa lagu dilay intii uu socday iskahorimaadka, kaasoo billowday laba sano ka hor markii ciidamada Sudan iyo RSF ay billaabeen loolan adag oo ay ku doonayaan inay xukunka ku qabsadaan.

Bilihii la soo dhaafay, militariga Suudaan ayaa dib u qabsaday caasimadda Khartoum, balse dagaallo ayaa ka socda meelo kale.

Wax tafaasiil ah lagama bixin hubka kiimikada ah ee uu Maraykanku sheegay in uu helay, laakiin warsidaha New York Times ayaa soo wariyay bishii Janaayo in Sudan ay isticmaashay gaaska chlorine laba jeer, taas oo keenta waxyeelo kala duwan oo xanuun iyo dhaawac leh, isla markaana keeni karta dhimasho.

“Maraykanku waxa uu ugu baaqayaa dawladda Suudaan in ay joojiso dhammaan isticmaalka hubka kiimikada ah oo ay ilaaliso waajibaadka ka saaran Axdiga Hubka Kimikada,” ayaa lagu yidhi bayaanka, iyada oo tixraacaysa heshiiska hubka Kiimikada ah ee ay saxiixayaashu ku heshiiyeen in ay burburiyaan kaydadka hubka.

Ku dhowaad waddan kasta oo adduunka ah – oo ay ku jirto Suudaan – ayaa ogolaaday Axdiga Hubka Kiimikada, marka laga reebo Masar, Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Suudaan sida uu qabo Ururka Xakamaynta Hubka. Israa’iil way saxiixday heshiiska laakiin ma aysan ansixin saxiixeeda, taasoo la micno ah inaysan si sharci ah u xaqiijin ku lug lahaanshaha heshiiska, ururka xakamaynta hubka ayaa sheegay sidaas.

“Maraykanku waxa uu si buuxda uga go’an in uu la xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah ka qayb qaadashada fidinta hubka kiimikada,” ayuu Bruce ku daray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Mareykanka uu cunaqabateyn kusoo rogo dalka Sudan. Bishii Jannaayo, waxaa la soo saaray mid ka dhan ah hoggaamiyeyaasha labada dhinac ee colaaddu dhexmartay.

Hoggaamiyaha militariga Suudaan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu eedeeyay “in uu khalkhal geliyey Suudaan oo uu wiiqay hadafkii laga lahaa isbedel dimuqraadi ah” oo uu Mareykanku ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas oo ku tilmaantay “wax lala yaabo oo dhibaato ah”.

Cunaqabateynta cusub ayaa saameyn yar ku yeelan doonta dalka natiijada tallaabooyinkan hore, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Xigashada Sawirka,Getty Images

Qoraalka sawirka,Cunaqabateynta cusub ayaa saameyn yar ku yeelan doonta dalka natiijada tallaabooyinkan hore, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dhanka kale, hoggaamiyaha Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Dagalo, oo sidoo kale loo yaqaan Hemedti, ayaa lagu eedeeyay inuu dalka ka gaystay xasuuq, sida uu sheegay xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken.

Xisbiyada ayaa labadii sano ee la soo dhaafay u halgamayay sidii ay xukunka u qabsan lahaayeen, waxaana ku barakacay ku dhawaad 12 milyan oo qof, halka 25 milyan ay u baahan yihiin gargaar cunto, taas oo laba jibaar ka badan shacabka London.

Cunaqabateynta cusub ayaa saameyn yar ku yeelan doonta dalka natiijada tallaabooyinkan hore, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Tallaabadan u dambeysay ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhalisay xiisad ka dhalatay ku lug lahaanshaha Imaaraadka Carabta ee khilaafka. Imaaraatka Carabta iyo Suudaan ayaa xiriirkooda diblumaasiyadeed lahaa ilaa horraantii bishan markaasoo dowladda Suudaan ay ku eedeysay dowladda Imaaraadka inay hub siiso RSF, eedeymahaas oo Imaaraadku beeniyey.

Ka dib soo dhawayntii diiranayd ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku qaabilay dalka Khaliijka todobaadkii hore, xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka ayaa doonayey in ay hor istaagaan hubka uu Maraykanku ka iibinayo Imaaraadka qayb ahaan sababo la xidhiidha ku lug lahaanshaha khilaafka.

Ilo dublamaasiyadeed oo Suudaani ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in Maraykanku uu cunaqabatayntan cusub ku soo rogay “si looga jeediyo ololihii dhawaa ee Congress-ka ee ka dhanka ahaa Imaaraadka”.

Horaantii bishaan, maxkamad sare oo Qaramada Midoobay ah ayaa diiday dalabka Suudaan ee ahaa in Imaaraadka ay ku dacweyso xasuuq.

Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this