Deeq A. Posted yesterday at 07:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saaka ayaa tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada. Tirada madaafiicda guud ayaa lagu qiyaasay lix, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn halka ay labo ka mid ah ku dhaceen. Ilaa iyo hadda lama hayo war rasmi ah oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay weerarkaan, iyadoo aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay hey’adaha amniga ee dowladda Federaalka ama maamulka ciidamada AUSSOM ee halkaas ku sugan. Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane. Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan. Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah. Weerarka maanta ayaa qeyb ka ah weerarro dhowr ah oo Al-Shabaab ay sanadkaan gudihiisa ka fulisay gudaha Muqdisho, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsado xarunta Xalane iyo nawaaxigeeda, taasoo muujineysa in halista amni ee magaalada ay weli tahay mid taagan. Share this post Link to post Share on other sites