Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir shaaciyay in hal reer ku kaliyeystay dagaalka iyo arrin loo baahan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure Karoore, ayaa sheegay in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay ku hareereysan yihiin degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wuxuu tilmaamay in howl-gal ballaaran uu haatan ka socdo nawaaxiga degmadaasi.

Wasiirka ayaa xusay in ciidamada is kaashanaya ay saacadaha soo socda gudaha u gali doonaan Aadan Yabaal, taasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ku jirtay gacanta kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in diyaar garowgii ugu dambeeyay la dhameystiray si magaalada looga xoreeyo kooxdaasi.

Wasiir Cabdi Karoore ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in hal beel oo kaliya ay haatan dagaalka kula jirto Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tani aysan ahayn mas’uuliyad hal qabiil saaran, balse loo baahan yahay in dhammaan beelaha deegaanka ay ka qayb qaataan dagaalka.

Wasiir Karoore ayaa si gaar ah ugu baaqay beelaha kale ee ku dhaqan gobolka Hiiraan in ay garab istaagaan walaalahooda beesha dagaalka ku jirta, si loo suurtageliyo in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan gobolka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa wafdi ballaaran oo isugu jiray heer federaal iyo heer dowlad goboleed, kuwaasoo shalay gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Socdaalkooda ayaa la xiriiray dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay hormuudka ka tahay beesha Xawaadle.

Wafdigaasi ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda Qaranka, Maxamed Cabdullaahi Cali Sambaloolshe, waxaana wehelinayay qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdigu waxa uu kulammo la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha dagaalka hoggaaminaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this